Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gurey123 on January 19, 2017, 05:44:37 PM

Title: Su'aal: Daawooyin loo isticmaalo jir dhiska?
Post by: Gurey123 on January 19, 2017, 05:44:37 PM
asc aad baan idinku mahad celinayaa sida wanaagsan aad bulshada ugu adee geesaan waxaan rabaa inaa iisheegtan daawooyin loo isticmaalo jir dhiska
Title: Re: Su'aal: Daawooyin loo isticmaalo jir dhiska?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2017, 02:25:49 PM
Marka hore sababta aad Gymka u samaynaysid in la ogaado waa muhiim, dad ayaa u gala si ay miisaankooda ugu xakameeyaan, dadne waxay u galaan in ay murqo ku dhistaan. sidaa darteed in jirka oo murqo yeesho kama mid ahan farriimaha caafimaadka ee dadka lagula taliyo. Waxaa qofka lagula taliyaa inuu jimicsi joogto ah leeyahay, cuno cunno isu-dheelli tiran iyo miisaan dabiici ah.

Sababta waxay tahay jimicsiga xad dhaafka ah iyo murqaha oo la dhiso waxaa dhici karta marmarka qaar in ay caafimad darro keenaan oo ay ka mid tahay murqo xanuun, muqo dillaac, dheecaannada murqaha iyo jirka guud oo khalal galo iyo cillad kale sida cilladaha ku dhaco neerfaha.

Marmarka in jirkaaga uu kala qeybsamo ama murqqahaaga la arko ma ahan hadaf caafimaadka u dagsan.

Cunnooyinka la cuno waxay isugu jiraan cunno dufan leh, cunno tamar laga helo, cunno protein oo murqaha iyo lafaha iyo korriinka jirka ka qeyb qaadato iyo cunno kontaroosho macdana iyo dheecaannada jirka sida fitamiinnada iyo maadooyinka kalaba.

Cunnooyinkaas kala duwan meel kasta waa laga helaa laakiin waxaa muhiim ah in qofka ay u dheelliitran tahay oo uusan hal qeyb xoogga saarin.

Tusaale haddii aad bariis ama baasto kaliya cuntid adigoo qudaar ama hilib ama moos ama salad ama juice aanan ku cunin isuma dheellitirna.

Sidaas awgeed talooyinku waa cun cunno caafimaad leh oo isu dheellitiran.

Dad badan baa aaminsan in Gym aan la samayn karin daawo la'aan, taasina waa khalad dad badan laga dhaadhiciyay, horayne waan uga hadalnay daawooyinka badankood in ay dhibaato caafimaad keenaan, Akhriso qoraalkaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3797.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3797.0)

Haddii aad rabtid daawo dabiici ah, akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7443.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7443.0)