Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jamilo Cali on February 24, 2017, 05:27:03 PM

Title: Su'aal: Wax buuran markaan suuliga ku jiro?
Post by: Jamilo Cali on February 24, 2017, 05:27:03 PM
asc magacaygu waa jamiilo cali waxan donaya inaan dictorada waydiyo suaaal aad u mihima , dhawaan ayaan ilmo dhalay mudo ka bacdi waxan isku arkay siilka wax aaad u buran markan xaajadayda ama suliga qaadanayo hoos ayuu usoo dagaa marka hore makaanka ayaan moday lakin waxan u tagay dhakhtar waxan iska soo saray computerka ultra sound la dhoho wuxu isheegay inu makanku halkisa joogo markaa ultra soundku miyu shegi kara hos u dhaca makaanka mise ma sheegi karo????  mahadsanid fadlan dhib ayay igu haysa waxan rajenaya inad si dagdaga igu soo jawabtaaan
Title: Re: Su'aal: Wax buuran markaan suuliga ku jiro?
Post by: SomaliDoc on June 07, 2017, 11:41:43 AM
Haweentu markay dhasho, murqaha miskaha ku jira way dabcaan, waxaana soo laalaadsan karo waxyaabo badan oo qaska ku jira sida kaadi haysta iyo minka qeybtiisa hore. wax dhib ah ma keento laakiin qofka way ka welwelisaa maadaama ay yihiin wax ku cusub.

Muddo kadib markay murqaha awoodooda soo ceshtaan, booskooda ayay ku laabtaan weax raad ahne ma reebaan, waa sax ultrasound-ka waa lagu arki karaa in minka uu booskiisa ka baxay iyo in kale, laakiin waxaa dhacdo mararka qaar afka minka loona yaqaano "Cervix" in uu soo dhawaado sidaasne aad ku dareentid markaad xaajada iska dhaqaysid, laakiin taasi macnaheeda maahan inuu minka soo baxay.

Waxaad ku dadaashaa in aadan culeys qaadin, saxarada jiiran, qufac badanne hadduu jiro iska daawaysid, sababtoo ah waxyaabahaas waxay ka hortagaan in xubnaha booskoodii ku laabtaan.

Akhriso qoraal ku saabsan "Minka soo raaraacsada": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1730.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1730.0)