Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr Mahamed on February 25, 2017, 04:42:07 PM

Title: Su'aal: Waa maxay congenital chordee?
Post by: Mr Mahamed on February 25, 2017, 04:42:07 PM
Waa maxay cudurkaan ku dhaca ilamaha congenital chordee
Title: Re: Su'aal: Waa maxay congenital chordee?
Post by: SomaliDoc on June 02, 2017, 11:42:21 AM
Waa cillad abuuris oo caruurtu qaar ku dhalato, wuxuuna ku dhacaa xubinta taranka, taasoo hoos u fooraarto, ibta afkeedane ay meesha hoose ku taallo inta ay foodda hore ku taalli lahayd, waxaana loo yaqaanaa arintaas "hypospadias", waxaana lagu saxaa qalliin.

Fadlan la xiriir dhakhtar ku takhassusay qalliinka xubnaha taranka ragga ee "Urologist", isagaa howshiisu tahay inuu qalliimadaas sameeyo.