Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wacays on May 30, 2011, 11:04:48 PM

Title: SU'AAL: Waa Maxay Xanuunka IRRITABLE BOWEL SYNDROME.
Post by: Wacays on May 30, 2011, 11:04:48 PM
Acww.
Waxaan walaalayaal doonayaa in su'aashan la iiga jawaabo, shuruudihiina waan soo maray oo waan ka raadiyay su'aalihii hore oo dhan, haddii aysan indhahaygu been ii sheegin.
Haddaba, su'aashaydu waa Xanuunka lagu magacaabo IRRITABLE BOWEL SYNDROME oo si kale looyiraahdana SPASTIC COLON.
Waxaan codsanayaa in Soomaali ay noqoto.

Axmed Dheere
Title: Re: SU'AAL: Waa Maxay Xanuunka IRRITABLE BOWEL SYNDROME.
Post by: Shenamic on May 31, 2011, 12:39:43 AM
Irritable Bowel Syndrome waa cudur inta badannaa keena Calool xanuun, siiba mid ku dhaca dhinac bidix. inta badannaa waxaa weheliya shukan, calool-Istaag, Calool-Barar, iyo Muruq-Ururid Xanuun badan. Qofka waxaa ay ka qaadaa raaaxadda, Qofku xannuun saa'id ah baa la soo dersa. Belsa Nasiib wanaag, Dhibaato joogto ah uma gaysatto Xiidmaha, Mana keento xanuuno khatar ah sidda Kaankarro. Inta badannaa dadku waxay xanuunkan kula macaamilanin iyagga oo cunto canaya, maarayna caddaadis uu keenay iyo iyaga oo daawo qaadanaya.


Faahfaahin badan oo ku saabsan Gadaal baan ka soo galin, Insha allah!
Title: Re: SU'AAL: Waa Maxay Xanuunka IRRITABLE BOWEL SYNDROME.
Post by: SomaliDoc on June 05, 2011, 06:46:41 PM
Akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html)
Title: Re: SU'AAL: Waa Maxay Xanuunka IRRITABLE BOWEL SYNDROME.
Post by: Wacays on June 06, 2011, 02:55:25 PM
Acww.

Waad ku mahadsan tihiin jawaabta aad iga siiseen su'aashaydii.


Annigu Dhakhtar ma ahi ka xirfad ahaan, waxyaabe kale ayaanse bartay, waxaanse ku noolahay Koonfur Afrika, magaalda Johannesburg, wixii warbixin ah ee la iiga baahdo waa diyaar inshaa Allaahu.

Axmed Dheere