Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qoorleex on January 28, 2017, 07:16:28 AM

Title: Su'aal: Gaas Ayaa I haya dawooyinkisana waan qaatay?
Post by: Qoorleex on January 28, 2017, 07:16:28 AM
Asc,  waxaan waydiinayaa dhakhatiirta sharafta leh labo su'aalood  mida hore
1-Gaas Ayaa I haya dawooyinkisana waan qaatay  waxaan isku arkay carrabka oo nabro yar  yar  yeeshay wuuna I xanuuna  mararka qaarna layer cadiin ah ayuu yeesha   
Arinta gaaska xiriir mala leedahay
2- su'aasha labaad cidiyaha faraha ee gacmaha qeybtooda hoose  liidinta cad ee  Ku taala caafimaadka qofka xiriir mala leedahay?
Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Gaas Ayaa I haya dawooyinkisana waan qaatay?
Post by: SomaliDoc on May 04, 2017, 11:30:25 AM
Gaaska nuuca leh laabjeexa wuxuu saamayn ku yeeshaa carabka iyo dhuunta, laakiin waxaa haboonaan lahayd in nabraha aad shegayso la arko, midda ku saabsan xuubka cad ee afka ku samaysmo, waxay noqon kartaa cabeeb ama umulwo sidaa u taqaani, ama caabuq carabka ku dhacay ama waxyaabo kale.

Dhibicyada iyo xariimaha cad ee cidiyaha ku samayso wax dhib ah ma keenaan, waxayna tilmaan u yihiin badanaa dhaawac hore oo ciddida gaaray inta ay koraysay, dadka qaarne lama yaqaano sababta ay ugu samaysanto.