Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on December 23, 2007, 05:59:56 PM

Title: Dhibaatooyinka Wax Liqidda
Post by: SomaliDoc on December 23, 2007, 05:59:56 PM
Ku dhibaatowga wax liqidda waxaa loo yaqaannaa disfagiya (dysphagia).
Wuxuu saameyn karaa cunidda, cabbidda, iyo dawo qaadashada.
Dhibaatooyinka wax liqiddu waxay keeni kartaa nafaqo xumo.

Calaamadaha Dhibaatooyinka Wax Liqidda
• Qufucid, mergasho ama sixasho oo yimaada marka wax la cunayo ama la cabbayo
• Dareemidda in cunto ay ku dheggan tahay hunguriga ama afka
• Dhareerid
• Qufac liita ama cod liita lahaansho
• Dhibaato ku qabidda liqidda ama xanuun dhinaca wax liqidda ah
• Ka cararka qaar ka mid ah ama dhammaan cunnooyinka ama cabitaannada

Dhibaatooyinka wax liqidda waxaa sababi kara:
• Miyir beelid
• Kansarka madaxa iyo qoorta
• Dhaawacyada hunguriga soo gaara
• Dhaawac madaxa soo gaara
• Cillad maskaxda ah
• Shucaac
• Dawooyinka qaarkood
• Dalool hunguriga gala (tracheostomy)

Daryeelkaaga
Haddii takhtarkaagu uu ka shakiyo dhibaatooyin wax liqid, Takhtarka Luqadda Hadalka, ee loo yaqaanno SLP, ayaa laga yaabaa in uu u baahdo inuu hubiyo wax liqiddaada.
SLP waxaa loo tababaray inuu bukaannada ka caawiyo dhibaatooyinka wax liqidda.

Dhibaatooyinka wax liqidda waxaa loo hubiyaa labo siyaabood:
• Hubinta liqidda: SLP ayaa ku daawanaya adiga oo cunto cunaya oo cabitaanna cabbaya kuwaasoo culeys ama khafiif ahaan kara. Haddii dhibaatooyin wax liqid la arko, baaritaanno badan ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
• Liqidda barium wax laga beddelay: Baaritaankaan waxaa loo sameeyaa in lagu hubiyo sida aad wax liqeysid. Sawirro raajo ayaa laga qaadayaa cunnooyinka iyo cabitaannada oo ku soconaya afkaaga ilaa iyo hunguriga.
Iyada oo ku saleysan natiijooyinka baaritaannada, ayaa daryeelkaaga laga yaabaa iney ku jiraan:
• In aad cunnooyin ama cabitaanno gaar ah aad qaadato
• In aad madaxaaga u hayso si gaar ah marka aad wax cuneyso iyo markaad cabbayso
• Sameynta jimicsi si aad wax liqidda uga yeesho mid kuu fudud oo kuu nabdoon.

SomaliDoc
Title: Re: Dhibaatooyinka Wax Liqidda
Post by: Alzubeydi on January 23, 2017, 02:51:00 AM
Scw dr aad baan kaaga mahad celinaya ilaaheyna baana ku mahad san cilmiga u kugu maneystay  inagana allaha inagu deeqo aqoontaada
haddi an guda galo mowduucan dhuunta iyo dhibta liqista cuntada iyo cabbida aniga ayaa isku arkay  mudo sanad kudhow si goos goos  o an xiriir aheyn waxaan isku arka dhuunteyda o aad moodo inay waxku goan yihiin xitaa candhuuf teyda meel dheexe ayey isku aruur sata o magudbi karto waxan is iraahdaa daacso waxaa iso dhaafaysa candhuuf cad o xumbo ah oo aad ubadan maalin ilaa labo maalmood baan sidaa ahaadaa haddana waanka fiicnaadaa  dr waxan is iri waa quun waligeyna ma arag noocaan dre seen waxyeelaa Mahadsanid
Title: Re: Dhibaatooyinka Wax Liqidda
Post by: Mohamed yasiin on May 03, 2018, 12:03:39 AM
Asc Walaalkayga
DRE waxaan ku weydinaya maxaa keena liqida cuntada o qofka dhibta weliba cuntooyinka adag sida hilibka
ma se la dhihi kara waa kansarka jidinka kansarka jidinka calamadihisa mxa ka mid ah ma se lagu daweyn kara wadamada darska sida ithopia