Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibraahimaar on June 21, 2018, 08:02:11 PM

Title: Su'aal: Astaamaha haweenta mataanaha wado?
Post by: Ibraahimaar on June 21, 2018, 08:02:11 PM
asc dr mahdi iyo, aad baan kuu salaamayaa, ilaaahey ajar ha kaa siiyo howsha wacan ee aad uhaayso umadda somaliyeed.
intaa kadib dre xaaskeyga ayaa uur leh markeedii saddaxaad, waxyna joogtaa 3 bilood kaliya  lkn toogadan waxaan ku aragnay in iyadoo aan waxbadanba uur laheen aay dareemeeyso culees aad u badan, waligeedna 6 bilood ka hor culees nuucaan ah ma dareemin, sidoo kale waxeey dareemeysaa wax jareen la moodo oo dhaqdhaqaa u eg oo caloosha labadeeda hees ah .
marka waxaan is niri ameey mataano siddaaa,
sidaa darteed dre suaasha aan kuweydinaya ayaa waxeey tahay, maxaa lagu gartaa in aay haweentu mataano sidda ? midda kale ultrasoundka imisa bilood ayuu ku ogaan karaa in aay mataano sidda iyo inkale?  haddiiba aay mataano sidda maxaa tala ah oo aad isiin laheed oo aan qaadaa si aan ugu xanaaneeyo sida ugu habboon.

mahadsabid dre
Title: Re: Su'aal: Astaamaha haweenta mataanaha wado?
Post by: SomaliDoc on January 04, 2019, 11:51:38 PM
Waxaa laga yaabaa inay dibbirsan tahay maamada, markaas waxay dareemaysaa dibbiro, calool xanuun sida xanuunka gaaska ama hadduu caabuq caloosha jiro, markaas waxay u baahan tahay baaritaan.

Sida ugu fudud oo loo ogaan karo inay maamada mataano wado waa in la saaraa qalabka kumbuyuutarka "Ultrasound", wayna fudud dahay in la ogaado haddii 13 usbuuc uurka gaaro.