Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on July 02, 2016, 05:09:00 PM

Title: Su'aal: Difficulty breathing at night?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on July 02, 2016, 05:09:00 PM
Ilaahow Dal Nabad ah iyo Dad Cafimad Qabaaa
Asc Dr
Waa c/qadir
Dr waxan kaaga mahad calinayaa sida bulsho waynta soomaaliyeed aad ugu shaqayso ilaah haka abaalmariyo. Intas kadib suashayda aan gudo galo
Dr mudoyoon badan baan waxaan ka sheeganayey haweenki markaan seexdo in muddo ah markaan jiifo waan soo boodaa waayo waxan dareemaya naqaska igu xirmaa inta kadib, Mahan wax joogta ah waa Mar Mar lkn Dr waxan ubaahdaa markaa sidaas noqdo
In aan arko iftiin ama layr hadii arko waan fiicnadaa naqaska igu cabursanayey waa iga baxaa Mar hadii aan ujeedo tosh ama layr Mar Mar mobile barkinta laabkeeda gashtaa
Dr ciladaas ma utagin wax dhaqtar ah lkn waxan isleeyahay qol mugdi ah ma jecli in aan dhexseexdo waayo waxan isku arkaa ciladaas an kuusheegay markan if tin arko normal ban noqdaa alxamdulliha wayahan waan karoonahay ma aanu arkin Dr maxaa keeni karaa ciladaas?

Dr su'al kale
Dadka habeen markay soo naxaan maxaa biyo loo siyaaa wagii yaraa hooyo markan soo yara buraarugno biyo nasiinaysi taasa iga jaahil bixi Dr adigo mahad San.
Title: Re: Su'aal: Difficulty breathing at night?
Post by: SomaliDoc on August 01, 2016, 05:51:56 PM
Cilladaasi waa nooc ka mid ah argagaxa ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3610.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3610.0)
Ma ahan arrin si cilmi ahaan loo ogaaday, laakiin maadaama qofka markuu dhaxo uu afka qalalo, oo u ekaado qof daalan, biyaha wuu ku qaboowaa, sidaas ayaana filayaa in hooyooyinka ay u siiyaan.
Title: Re: Su'aal: Difficulty breathing at night?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on August 02, 2016, 08:14:44 AM
Masha Allah Dr mahadsanid in badan by akhaa binu jowhari