Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed bisle on September 25, 2018, 08:20:21 AM

Title: Su'aal: Wadna garaac ayaan leeyahay?
Post by: Axmed bisle on September 25, 2018, 08:20:21 AM
Asc bahda somalidoc marka hore aad baad umahadsantihin marka xigta su'aashaydu waxaa weeye waxaan ahay nin dhalinyara ah oo 22 sano jira waxaan qaadaa biraha biraha ama an sameeya jimicsiga jirka hada in laga joogo hal isbuuc ayaa waxa la iga helay typhoid horayna irbado ayaan uga qaatay ah chloramphinicol lkn markan danbe dhakhtarku wuxu iiqoray ciproflexin isolation ah iyo ceftriaxone intay irbadahaan iisocden waxaan isku arkay wadna garaac saa'id ah marka waxaan is iri wadnaha ku istaagaya marka plz su'aashaydu waxa weeye wadna garaacan ma irbadahaan baa keenay ? Mida xigta wadnahayga khatar miyu kujiraa marba hadu wadna garaacu ka badanyahy intii hore?
Waxan filayaa inaad iso jawabi doontaan waliba sida ugu dhakhsiyaha badan coz arintaas ayaan buufis kaqaaday
Title: Re: Su'aal: Wadna garaac ayaan leeyahay?
Post by: SomaliDoc on February 27, 2019, 08:30:49 PM
In cirbad ceftriaxone iyo ciprofloxacin aad isku qaadatid waa khalad, waxaa laga yaabaa i wadne garaacaagu uu ka dhashay waxyeellada daawooyinkaasi, inuu kaa baaba'o muddo kadib ayaa laga yaabaa ee hadduu sii socdo fadlan dhakhtar la xiriir si laguu baaro.