Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Tahani on August 11, 2009, 03:30:19 PM

Title: Suáal: Fin ka soo baxday foolka?
Post by: Tahani on August 11, 2009, 03:30:19 PM
asc diktore, waxaan ahay gabar 18 jir eh. waxaa isku arkay 3 sano ka hor,in eey iga soo baxday fin yar oo u ekeed markaaas fi nanka cadiga ah ee dadka ka soo boxo. waxeeyna ka soo baxday  foolka , mesha ah sujuudka kor keda. oo ah mesha eey iska galan wajiga iyo  timaha.meshii waxeey isku badashay dhoor mal mood kadib cadaan sida baraska oo kale, dawooyin fara badan ayaan qatay, jarmalka waa tagay.wali wax natiijo ma garin.inta aan dawadaas qadanayay weey faaftay wax yar. timihii mesha ku yilayne ciri ayee isku badaleen. aniga wax daawoyin oo jirkeyga dhibato u keni karo oo an istimcalay ma jiraan. waxaa aniga iyo walidkeeygaba uqaadanay in la i cunay. cudurkan basar miyaa mase wax kale. aniga mesha lee iga cad. mee diktor iga soo jawaab fadlan sida ugu dhaqsiyaha badan adiga oo mahadsan.

Title: Re: Suáal: Fin ka soo baxday foolka?
Post by: SomaliDoc on August 26, 2009, 02:12:52 PM
Badanaa su'aalaha ku saabsan dhibaatooyinka maqaarka loogama jawaabi karo on-line, maxaa yeelay waxaad u baahantay in meesha uu arko dhaktar maqaar ku taqasusay.

Sidaa darteed la xiriir "dermatologist", haddii dhibkaaga la garan waayayne maahan in lagu cunay maxaa yeelay badanaa nabrro badan ayaa jiro oo markii ay bogsadaan haar ama bar ku reeba jirka waxaa kaloo dhici karo in daawooyinka aad isticmaashay haddii ay ku jiraan kuwa la maraniyay nabarka in ayagaba ay maqaarka badaleen.

Mahadsanid