Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abuuyuusuf on January 25, 2015, 08:39:39 PM

Title: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: Abuuyuusuf on January 25, 2015, 08:39:39 PM
asc waan idin salamay dhaqaatiirtiina qaaliga ah salan kadib  waxaan jeclaan lahaa in aan idin waydiiyo marka hore infacshanka kaadida ee dhiiga soo raaca  ee lo yaqaan     ( hemoglabin )   maleeyahay in korkaaga ka soo baxaan wax calaamado ah  ama cad cad jirkaaga kasoo baxa oo yar yar aanan aheen nabar iyo nabro yar yar  oo aad isleedahay cun cun yar yar ayay leeyahiin  iyo xaniinyaha oo ku xanuuna marmarka qaar                                   
Title: Re: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: SomaliDoc on January 27, 2015, 11:24:03 AM
Marka hore, Hemoglobin ma ahan infakshan, ee waa birta dhiiga ku jirta, in kaadida uu soo raacdo ayay astaan u noqon kartaa in caabuq kilyaha jiro maadaama sida caadiga ah aan la rabin in kilyaha uu ka soo gudbo.
Faruuruc ka soo daato jirka khaas ahaan meelaha jirka hurusan sida xaniinyaha aad tilmaantay oo cuncun wato waxay noqon kartaa allergy ama xanuun maqaar oo bilow ah.
Fadlan la xiriir takhtar ee tusi faruuruca si loo arko.
Title: Re: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: Abuuyuusuf on January 27, 2015, 04:04:43 PM
asc salan kadib waad mahadsantahiin sida wacan ee aad iiga soo jawabtay su aashaydii waxaanse ku darsan lahaa hada waa uu iga istaagay dhiiga oo baaritaankii ugu danbeeyay waxa uu ii sheegay in ay ay tahay nagative balse wali ayan waxaan daremayaa in kaadi marakay iqabato oo aan yara daaho in aan xanfaf cun cun ah ka dareemayo guda  guska  marka aan kaadiyana cabar kadib aan dareemayo xaniinyaha oo iyara xanuunaya

         su aasha kale ayaa waxaa ah hadii uusan aheen infakshan maxay taqaatiirta iigu qoreen anti biyootic waliba tankiisu gaaraya ilaa 500mg
inkasta oo markii ugu danbeeday ay i dhaheen biyo badan uun cab kaadidaadana ha badnaato

         su aaha kale ayaa waxa ay tahay cudurkan malaga yaabaa in aad u gudbiso xaasaskaaga sidee adiga kula tahay halka uu iguiri taqtarkaygii aan u tagay waxmacnaah malahan  mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: SomaliDoc on January 29, 2015, 09:41:16 AM
Hadddu qofka uu leeyahay astaamihii lagu yaqaanay infakshanka kaadi mareenka, jawaabta kaadidane aysan waxna tusaynin, takhtarka wuxuu awoodaa inuu bukaanka uu u qoro daawo isagoo raacayo aqoontiisa.
Wayna dhacdaa qof xanuunsan in jawaabta dhiiggiisa ama kaadidiisa ama saxaradiisa waxba lagu arkin, taasi ma ahan in qofka uusan xanuunsanayn, waxay ku dhici kartaa dhowr sabab:
1- In jeermiska uusan ku jirin sample-ka lagaa qaaday
2- In shaybaarka uusan safiican u baarin ama uusan arkin
3- In jeermiska uu aad ugu yaryahay dhiigga ama kaadida inta aad sheybaarka gaysay oo aan si sahlan lagu arki karin
4- In aad daawo hore u soo qaadatay laakiin aadan wada dhamaysan taasine waa midda ugu badan ee soomaalida ku dhacdo

Sidaa darteed ayaa waxaa lagula taliyaa qofka laga qaadayo dhiigga ama kaadida in laga qaado xilliyada la is leeyahay wax waa laga arki karaa, tusaale ahaan kaadida oo kale waxaa fiican in la qaado markii aad salaadda subax soo toostid maadaama ay habeenkii oo dhan kaadi haysta ku jirtay, ama in aad kaadida dhexda ku jirto aad qaadid oo midda ugu horreyso oo soo baxayso aadan qaadin.
Dhiigga waxaa tusaale u ah in cudurka duumada ama malaariyada waxaa habboon in la qaado markuu qofka qandhada hayso markaa si sahlan ayaa lagu arki karaa, saxaradane waa sidaasoo kale.

Midda ugu dambayso infakshannada lagu kala gudbiyo galmada halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: Abuuyuusuf on February 07, 2015, 06:27:16 PM
asc salaan kadib dhaqaatiirta sharafta leh waxaad mudan tahiin sharaf balaaran waxaan su aal yar ku dar san lahaa su aashaydii hore waayo aniga kuma dhihin dr xaniinyaha ayaa i cuncunaya ee waxan ku iri xanuun ayaa jira hadase alx waxba kama dareemayo xanuun ah kaadidii iyo xaniinyahaba ilaa iyo markii baaritaankayga laga helay in uu dhiigii istaagay

  balse su aashayda maanta ayaa waxay tahay mida kowaad waxa aan iska dareemayaa in uu igu reebay mise reebi karyaa cudurkaas looyaqaan  (Hemoglobin ) jirkaaga oo kasoobax baxo cad cad yar yar oo aad moodo qawed oo meelo jirkaaga ka mida ka soo baxbaxo gaar ahaan gacmaha meesha calaalacasha mahanee qeebta ka koreeso ama wajiga oo ay kasoo baxan gaaskase markuu aad kuu qabto isaga qudhiisa ma keeni karaa asc 
Title: Re: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: SomaliDoc on February 11, 2015, 11:19:38 AM
Haddii aad ka caafimaaday allaha kuu siyaadiyo, midda xigta sida aan kor kuugu sheegay ma jiro cudur la yiraahdo "hemoglobin" waa calaamad tahtarka tusinaysa in kaadida uu dhiig soo raacay.
Kaadida oo dhiig soo raacane qasab ma ahan in wax cadcad ay jirka ka soo baxaan.
Halkaan ka akhriso waxa uu yahay infekshanka kaadi mareenka iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html)

Cadcadaanka jirka aad tilmaantay oo qawadka u eg, fadlan kala xiriir takthar maqaar si lagla taliyo.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa
Title: Re: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: Abuuyuusuf on February 14, 2015, 10:44:16 AM
asc waxaan haada idiin soo gudbinayaa salaan taqaatiirta sharafta leh salaan kadib waxan ku darsanataa su aashaydii su aashan iyo dareemkayga hada sida uu yahay dr waxa aad sheegtay in dhabarka oo ku xanuuna keeni karta runtii aniga waxaa hada aan dareemayaa xanuun ah dhabarka ilaa garbaha iyo qoorta oo ixanuunta madax xanuun aad ubadana waan dareemaa ilaa habeenkii marka aan seexanayo aniga oo maskaxdayda  gacanta ku celinaya aan seexdo waxaan kale oon dareemaa tabar dari aad u daran waxaanse filayaa in ay taasi keeni karto gaaskayga oo aad u daran waxaa hada iigu daran oo aan daremayaa in aan murqaha garbaha ee u dhaw dhuunta  iyo qoorta ka dareemay barar yar kaas oo aan dareemayo in uu xanuunkiisa u gudbinayo gacmaha ilaa dhabarka hoose shaqadayda gacmahana markii aan hool ku qabanaya waxaan dareemayaa tabar laan ila aan qoraalka computer ka xataa aan kari waayo sida drevinka oo kale ama alaabaha aan ku qaadayo hada xanuunkayga waxa uu u badan yahay dhabarka garbaha iyo waliba qoorta oo marmar ku soo biirta iyo maskaxda oo joogta ah waxaan kala saari la ahay midka uusababo gaaska iyo midka uu sababo kaadida gacmaha iyo garbaha waxaad moodaa in uu gudada dab ka holcayo marmarna lugaha ayaaba soo saaidiya caloosha ayadana aad ayay ii gubanaeesaa marmarka qaar sida subaxii marka aan soo kaco oo kaleiyo marka aan dhargo oo anoo baahnaa aan raashin cuno marka sdr cudurkan siduu ukala qeebsamaa sideesa ugu kala tala galaa

su aashayda ugu danbeesana waa wajiga oo labada geesood ee dhagaha u dhaw madoow soo koro ilaa hoos ku dhawaad garka ama ka kor    iyo gacma inta kore ee faraha krkooda ah ilaa meesha laga xiro shaatiga gacmadheeraha ah iyo meela yar yar oo kale sida cajiraha lugaha hoose         waad mahad santahiin taqaatiirta sharafta leh ee siku hooshay in ay na caawiso


                          caafimaadka ilaahay ayaa hayo ee dhamaanteen hana wada siiyo anaga iyo adinkaba aww
Title: Re: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: SomaliDoc on February 14, 2015, 03:29:23 PM
Abuuyuusuf, fadlan la xiriir takhtar cudurrada guud, si laguu wiisteeyo maxaa yeelay cabashadaada xubin kasta waxbaa ka sheegtay waxaa dhici karta in dhowr cudur ay yihiin waxa aad ka cabanayso oo gaas kaliya uusan ahayn.
Wixii takhtarka aad kala soo kulanto waad nala wadaagi kartaa insha'llah.
Title: Re: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: Abuuyuusuf on February 14, 2015, 09:38:47 PM
asc aad ayaad umahadsantahiin taqaatiirtiinan sharafta leh waa jawaab fiican waliba insha alaah waxii aan kala kulmo waan idiin soo gudbin doonaa si aan idiinaka qaato qibaradiina wanaagsan waxa ay ii tareesana aan ogahay in ay wanaagsan tahay

su aasha aan maanta ilaaway ayaa ah waxaan ahay nin xaasas badan mudo 4 bilood ahna waan iska ilaalinayaa waa inta aan isku arkay arintaan marka waxaan idin waydiinayaa anigoo aqristay cudurada aad ii soo sheegteen ee galmada lagu kala qaado kana ma noqan karyaa isagana in aan kala qaadno aniga iyo xaasaskayga  hadii aan u galmoodo mise kani kuma faafo galmada ee waa cudur gaara oo qofka iskiis ugu imaan kara taas ayan rabaa in aad iikala saartaan

mahadsanidiin waxii kale oo arina aniga ayaa idiinla soo socodsiin doona insha alaah

                                                          caafimaadka ilaahay ayaa hayo ee anaga oo idil alaha ina siiyo caafimaad badan
Title: Re: Su'aal: Finan cuncun leh iyo xaniinyaha oo ku xanuuna?
Post by: SomaliDoc on February 18, 2015, 01:26:08 PM
caabuqa kaadi mareenka kama mid ahan cudurrada galmada lagu kala qaado, haddii aad iska shakisan tahay fadlan u tag takhtar si laguu baaro iyo haddii ay jiraan cudurro kale.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa