Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Alcadaala on July 11, 2016, 09:10:57 AM

Title: Su'aal: Neerfaha laleemada?
Post by: Alcadaala on July 11, 2016, 09:10:57 AM
Asc wr wb waad mahadsantihiin bahda somalidoc sidad noogu faah faahisen xanunka neerfaha Dr ani su,aal ayan qabaa waxa ka darema Gacanta jarayn aan caadi ahayn marmarka qaarkod takhtar ayan utagay irbado iyo daawo ayaana qatay lakiin hada mudo markan joogo ayaan dareema Gariirka ama jarayn maxay tahay Digtore idinko mahadsan asc
Title: Re: Su'aal: Neerfaha laleemada?
Post by: SomaliDoc on August 31, 2016, 08:46:38 PM
Wax badan ayaa keeno jaraynta ama gariirka gacmaha, haddii hal gacan kaliya ay tahay, dhib kalane uusan jirin waa in neerfaha gacantaas la baaro, weliba kalagoyska gacanta hadduu cariiri ka jiro oo neerfaha dhaawac u geysanayo.
Fadlan la xiriir dhakhtar neerfaha ku takhsusay.
Title: Re: Su'aal: Neerfaha laleemada?
Post by: Alcadaala on October 04, 2016, 05:01:57 PM
Waad mahadsantahay Dr lakiin ani badana markan meel Fagaare ah ka hadlayo Ayaa Gacanta micrphoneka haysa ay Jaraysaa maxay tahay ?
Title: Re: Su'aal: Neerfaha laleemada?
Post by: SomaliDoc on October 22, 2016, 04:51:05 PM
Taasi cillad neerfo ma ahan ee waa naxtinta, waxaana keeno kacsanaanta hormone loo yaqaano "Adrenaline", wuxuu kacaa markuu qofka naxo ama xishoodo.