Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: m.mo141 on November 06, 2016, 06:45:22 AM

Title: Su'aal: My spermcount is 19.1 millin?
Post by: m.mo141 on November 06, 2016, 06:45:22 AM
Asc bahda somali doc waaan idin salamay  waxaan so baaray shahwadayda jawaabta waa tan :

Motiliy

Active motile  %30         minimum %32

Sluggish motile   %10       

Non motile %60             very low number

Total sperm count 19.1 million     > 20million

Vitality          %58

Marka doctors Xaaskeyga uur ma qaadi karta intaas iga jaahil bixiya
Title: Re: Su'aal: My spermcount is 19.1 millin?
Post by: SomaliDoc on November 26, 2016, 10:39:34 AM
Lama dhihi karo uur ma qaadi karto xaaskaaga, inkastoo baarista ay ka muuqdaan dhowr cilladood sida dhaqdhaqaaqa unguyada shahwada oo liidato iyo tirakoobka oo xadkii la rabay ka hoosayso, laakiin xaaladaada ma ahan mid aad u daran, fadlan dhakhtar la xiriiri si laguu la taliyoa.
Title: Re: Su'aal: My spermcount is 19.1 millin?
Post by: m.mo141 on November 27, 2016, 11:32:57 AM
Hhhhhh doctor wax yar i kala cadeey
Mawaxa ka wada

Lama dhihi karo uur ma qaadi karto xaaskaaga

Ama waxa ka wada

Lama dhihi karo uur way qaadi karto xaaskaga
Title: Re: Su'aal: My spermcount is 19.1 millin?
Post by: SomaliDoc on December 22, 2016, 03:53:06 PM
Waxaan ka wadaa: baarista aad soo bandhigtay kaligeed lagu ma gaari karo go'aan kama dambays ah in haweentaada aysan uur qaadi karin.
Way dhici kartaa inay uur kuu qaado, laakiin la tacaalis ayaad u baahan tahay si jaaniska uur u qaadista ay u kororto.
Title: Re: Su'aal: My spermcount is 19.1 millin?
Post by: Guuled on December 23, 2016, 04:39:41 PM
Asc waxaan raba inaan ogaado tirada spermada(sperm count) inta normalka ah.
 

                    Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: My spermcount is 19.1 millin?
Post by: SomaliDoc on April 26, 2017, 11:44:08 AM
Tirada inta laga rabo iyo waxyaabaha yareeyo iyo talooyin dabiici ah oo looga hortagi karo cilladahaan, ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2205.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2205.0)