Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on October 25, 2015, 02:36:40 PM

Title: Waa maxay Full Check-up? - Qoraal muhiim ah!
Post by: SomaliDoc on October 25, 2015, 02:36:40 PM
(http://somalidoc.com/Topics/igabaar.png)

Bismillahi..

Mawduuceenu maanta wuxuu ku saabsan yahay waxa loo yaqaano "check-up" ama isbaarista guud, sababta igu kalliftay in aan qoraalkaan diyaariyo waa iyadoo dadka badankiis ay ka heestaan fikrado aad u qaldan oo keeni karto qofka waxa uu doonayay inuu siduu rabay u sheegan kari waayo.

Marka ugu horeyso, Waa maxay "Check-up"?
Isbaarista guud ma ahan sida dadka badankiis ay aamisan yihiin in dhiigag badan lagaa qaado oo cudur kasta lagaa baaro, Check-up waxaa laga wadaa in dhakhtarkaagu uu wiisiteyn guud kugu sameeyo markuu waraysi dheer kula yeesho isagoo qeyb kasta oo jirkaada ka mid ah uu ku baaro gacantiisa ama qalabkiisa, tusaale ahaan in neefsashadaada iyo wadna garaacaaga uu dhageesto, caloosha uu taataabto isagoo raadinayo wax aan dabiici ahayn iyo in maskaxdaada iyo neerfahaaga iyo falcelinta xubnayaashaadu uu wiisiteeyo.
Kadib markuu intaas sameeyo ayuu kuu diri doonaa  baaritaanada kuu muhiimsan isagoo wax ku dhisayo taariikhdaada caafimaad, wiisiteynta iyo haddii ay jiraan cudurro halis ugu jirto xag deegaan ahaan, xag qoys ahaan iyo xag shaqadaada ama haddii aad leedahay xanuuno ama balwado u baahan in la baaro haddii ay halis ku yihiin caafimaadkaaga.
Markii intaa la isku daro (waraysi, wiisiteyn iyo baaris) ayaa waxaa la dhahaa "check-up", laakiin dadka badankiisa sidaa uma fahansano waana arrin in lagu baraarugo ay waajib tahay maxaa yeelay in xanuun lagaa helo boqolkiiba 30% kaliya ayaa dhici karta in baaris dhiig ama raajo lagu ogaado, 60% waxaa lagu ogaadaa waraysi iyo wiisiteyn.

Maxaa laga wadaa "Full Check-up"?
Baaris dhameestiran waxaa laga wadaa in markii lagula maro inta aan kor ku soo xusay kadib laguu diro baaritaanada ugu muhiimsan oo la dhihi karo qeybaha ugu badan jirka way dabooli karaan, waxayna weli ku xiran taay da'daada, jinsigaaga iyo  taariikhdaada caafimaad, laakiin waxaa jiro baaritaano la isku raacsan yahay in aysan ka marnaan baarista dhameestiran oo mudadiiba mar la sameeyo hadduu qofka uu caafimaad qabo, waxaana ka mid ah:

Baaritaanada aan kor ku soo xusay waa kuwa badanaa la baaro markii baaris guud la samaynayo meel kasta oo aad joogtid, way dhici kartaa in xarumaha qaar ay wax yar ka badalaan iyagoo lagu darayo ama laga reebayo xanuuno ku badan ama ku yar deegaankaaga.
Akhriso waxa kumbuyuutarka lagu ogaan karo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6174.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6174.0)

Laakiin ma jirto baaritaan "scan" sida CT, MRI ama mid kalaba oo "checkup" ahaan qofka loo saaro ama loo dhexgeliyo, waana khalad in sidaas la sameeyo sababtuna waa iyadoo uusan wax walba sheegi karin, iyo inaan meel walba lagaa saari karin iyo halista shucaaca ee aan baahidu keenin.!

Goormaa la sameeyaa "Full Check-up"?
Waa su'aal kale oo aysan dadku badanaa fahansanayn, baarista guud ee kor ku xusan waxaa badanaa la adeegsadaa markii qofku isbaarayo isagoo wax xanuun ah uusan ka cabanayn waana mid sanadkii ama lixdii biloodba mar la sameeyo.
Haddii aad xanuunsan tahay ama meel ay ku xanuunayso waa in xanuunkaas la baaro kaliya si lagaaga daaweeyo ee ma ahan macnaheedu in lagaa baaro inta baaris ee aan kor ku xusay ama aad ka codsato dhakhtarkaaga illaa in waqtigii isbaarista guud inaad ku aadan tahay mooyee.
Midda kale baarista guud waa wax la isla ogyahay ee haddii aad isbitaalka u timaadid "full checkup" wixii walaac aad qabtid ama codsasho gooni ah waxaad dhakhtarka u sheegi kartaa xilliga waraysiga lagu la yeelanayo ama lagu wiisiteynayo.

Wax kasta ma la baari karaa?
Maya, wax kasta lama baari karo, dhakhtar kaa yeelayo in wax kasta lagaa baarane ma jiro haddii aad lacag kasta aad diyaar u tahay in aad bixiso, maxaa yeelay baaritaanada qaar qof caafimaad qabo maba lagu sameeyo oo waxaa dhici karto in iyaga laftirkoodu ay waxyeello kuu keenaan.

Talooyin muhiim ah:

Haddii ada qabtid su'aal caafimaad iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)