Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Jamaaluddiin on February 08, 2017, 09:00:51 AM

Title: Su'aal: Faaiidada ay leedahay isticmaalka barida?
Post by: Jamaaluddiin on February 08, 2017, 09:00:51 AM
Dadka badankood gaar ahaan soomaalida mu hubiyaan caafimaadkooda ilaa ay ka xanuunsadaan.
Haddaba marwalboo cudurka dhakhso la ogaadaa way fududahay in la daaweeyo ama la xakameeyo.
Mar walboo cudurka dhakhso la daaweeyana waad ka hortagtey ama dhibaatadiisa ayaad dib u dhigtey ama waad yareysey si dhib yar ugula noolaato.

*Sideed ku ogaan kartaa cudurada loo baahabyahay in dhakhso la baaro?

Dhakhtarkaaga ayaad kala tashan kartaa ama waxaad ka ogaan kartaa hayadaha u qaabilsan wacyi gelinta caafimaadka soo jeedintooda
Tusaale ahaan waxaa ka mid ah baaritaanada loo baahanyahay in la sameeyo astaamaha ka hor: Sawirka naasaha (Mammography) si loo baaro Cancerka naasaha, eegida kooloonka (Colonoscopy) si loo helo Cancerka Colonka, iyo baaritaanada kale ee caafimaadka ama adiga ayaad iska caawin kartaa adigoo raadiya isbedello cusub.

*Sideed isaga baari kartaa?

Waa inaad la tashataa dhakhtarkaaga waayo cudurada  qaarkood waxay ku xirayihiin: Da'da, Nooca (lab ama dhedig), Xididka ama farac u lahaanshaha, Sigaar cabida iyo W.L.A
Tusaale ahaan iska baarida Cholestrolka waxaa loola dardaarmaa dadka u leh hido ama farac,
Gabadha uurka leh ama rabta inay uur qaado waa inay iska baartaa cudurada saameyn kara uur ku jirkeeda
Kala tasho marwaliba dhakhtarkaaga waayo baaritaanada qaar dhibaato ayey keenaan Sida raajada waa in la iska ilaaliyaa intiiba ay macquul tahay, baaritaanada qaarna waa qaali
Waxaa waajib ah inaad baaritaano dheeri ah sameysid hadii cudurkii lagaa baaraayey lagaa helo si loola socdo cudurka inuu kasii daraayo iyo inkale waana inaad si degdeg ah u qaadataa daawadii laguu qoro.

Title: Re: Su'aal: Faaiidada ay leedahay isticmaalka barida?
Post by: Jamaaluddiin on February 14, 2017, 09:55:07 PM
Waxaan la yaabanahay mowduucaan aan soo qorey sababta magaca looga bedeley oo waxaanba shaqo ku laheyn loogu qorey