Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hodan on September 06, 2015, 07:56:04 AM
-
Asc
Salaan kadib Waan idiin Mahad naqaynaa Dhakhaatirta Qaaliga ah intaa kadib waxaan doonayaa in aan su;aal idin waydiiyo si aan uga jaahil baxo.
Waxaan dhalay wiil waxaan dib ka ogaaday in aniga iyo Saygaygu aanu nahay isku dhiig B+ B- haddaba waxaa lay sheegay in ilmaha u horeeya marka 9 sagaalad lagu jiro irbad laygu mudi lahaa laakiin may dhicin oo lamaba ogayn markaa imika maxaa xal ah waxaa kale oo dhakhtar aan la xidhiidhaa i soo siiyay Daawo 2 bil soconaysa oo Magaceeda la yidhaahdo hovid vitamin e 400 iu Maxay ii Faa'iidaynaysaa Hadii Hal Jiro Maxaan Sameeya ama Jidkee u maraa si aan ilmo kale u qaado iyadoo aan tii allena meesha ka madhnayd Waad mahadsan tihiin Dhamaantii dhakhaatiirta Qaaliga ah.
-
Hadduu aabaha uu dhiigiisa +ve yahay (B+), hooyadane ay -ve tahay (B-), cunuga wuxuu noqon karaa +ve, hooyada jirkeeda ayaa diidi kara dhiigga cunugga oo marka ugu horreeya ilmaha way ka badbaadaan laakiin uurarka ka dambeeya hooyada dilan ayay halis u gali kartaa, sdiaas awgeed waxaa hooayda la siiyaa cirbad jirkeeda hilmaansiinaya in aysan la dagaallamin dhiigga uurjiifka.
Waa qasab in cirbadaas lagu siiyo uur kasta ee la xiriir dhaktharkaaga.
Midda ku saabsan kaniiniga "hovid vitamin e 400 iu" waa fitamiinno laguu soo qoray ee xanuun gooni ah looma qaato, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan waxa vitamiin-ka uu taro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html)
-
Aad ayaad u hamadsan tihiin uurkii labaad wali ma qaadin waxaana laga joogaa afar sanno markaa ma dhici kartaa in uu dhiigaa isku midka ahi ii diidayo in aan uur qaado in kastoo tii alle meesheeda tahay , intaas iga jaahil saara waad mahadsan tihiin sida fiican ee aad noogu soo jawaabtaan
-
Uur qaadis la'aanta kama imaado dhiigga kala duwan, waxa cabsida ay timaadaa xilliga foosha waana sababta aad u qaadanaysid cirbadda ka hortagga ah.