Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Koosti on March 29, 2009, 06:48:48 PM

Title: Su'aal: Antiphospholipid Syndrome?
Post by: Koosti on March 29, 2009, 06:48:48 PM
asc dhamaan waxaan salaamayaa asxaabta webkaan salaan kadib waxaan rabaa in aan wax ka ogaado waxa loo yaqaano anti phospholipid syndrone iyo sida uu sababo abortion
Title: Re: Su'aal: Antiphospholipid Syndrome?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2009, 08:25:50 PM
Cudurkaan "Antiphospholipid Syndrome" waa iin isdifaac ah (Autoimmune disorder) oo ku dhaco habka xinjirowga dhiigga kaasoo keena in dhiigga halbowlayaasha iyo aroorayaasha labada xinjiroobaan.
Wuxuu kaloo cuudrkaan xiriir la leeyahay dhibaatooyinka la xiriirka uurka sida dhicinta, Sumowga iyo Ilmaha dhiciseynta.

Cudurka waxuu ka yimaadaa lid-jir (Antibody) oo weerar ku qaado borotiinka loo yaqaanno Phospholipid oo u qaabilsan sameynta xuubka unugyada.
Lid jirka cudurkaan keeno wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah: lupus anticoagulant (LA) and anticardiolipin antibody (aCL)

Cudurka waxaa kaloo lagu magacaabaa "Hughes syndrome" iyadoo loogu magac daray dhakhtar biritish ah oo ku takhasusay cudurada Roomaatiisamka.

Dhibaatada cudurkaan waxay saameyn kartaa meel kasta oo xidid mara, sidaas darteed wuxuu keeni karaa dhiig kar, goonjab, dhicin soo laalaabto, faalij, dhiigbax, sangoror iyo isbedel maqaarka ah iyo cudurro kale

Badanaa cudurkaan waxaa daawo ahaan loo qaataa Aspirin iyo Warfarin si xinjiroobidda u yaraato.
Haweenka uurka leh waxaa Warfarin-ka loogu badalaa "Heparin" madaama Warfarin-ka ilmaha sun uu ku yahay.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay waad i soo waydiin kartaa.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)