Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mayusuf on July 05, 2015, 03:11:50 AM

Title: Su'aal: Maxaa Sababa Cuncunka Minka/farjiga dumarka ?
Post by: Mayusuf on July 05, 2015, 03:11:50 AM
Waxaan ahay gabadh xaasa waxaan qabaa su'aal, waxaa jiro cuncun joogto ah oo iga haysto xubinta taranka cuncunka ma istaagayo ilaa aan biyo kulul ku istijaysto markaan, sidaa sameeyana wax xoogey buu iga go'naanayaa hadana dib ayuu ii bilaabayaa, cuncunka waa saayid waana inaan xoqaa xubinta hadii aanan iska ilaalina waxaan sababayaaba inaan garaafo gaadhsiiyo marmar dhiig keeni karta afka hore / dibnaha, cuncunka wuxuu si jira ilaa hoosta fog ee farjiga.

waxaan rajeynayaa jawaab waafiya, oo sheegeyso sababta keento, iyo waxa lagu daweyn karo.
dadeyda waa 25+, waxaanan ahay xaas cusub mudo bilo ah horena umaan lahaan jirin markaan inanata ahaa.
Title: Re: Su'aal: Maxaa Sababa Cuncunka Minka/farjiga dumarka ?
Post by: Cali Asaaro on July 07, 2015, 08:22:06 AM
Wcs walal  hadaan isku dayo suaashada jawaabteeda waxay tahay, waxaad tiri cuncunka maan lahaan jirin markaan inanta ahaa markaan guursaday ayaan isku arkay waliba aroos cusub ayaan ahay baad tiri ,marka siday ila tahay waxaan umalayna infection uu kaaga soo gudbay dhinaca odeygaaga  marka waxaan kuula talin lahaa inaad dhaqtar general medecine ah u wada tagtaan labadiina si uu idinka baaro infectoin ama waxa sababay cudurkaaga cfmd ayaan kuu rajaynaa.
Title: Re: Su'aal: Maxaa Sababa Cuncunka Minka/farjiga dumarka ?
Post by: SomaliDoc on July 08, 2015, 04:39:13 PM
Cuncunka farjiga wuxuu calaamad u yahay infekshanka ku dhaca cawarada ama xubnaha la xiriiro sidaa awgeed waa muhiim in aad dhakhtar u tagtid si baaritaanno laguugu sameeyo, halkaan ka akhriso waxa infekshanka keeno iyo sida looga fogaado: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0)