Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Daada on April 01, 2017, 09:18:07 AM

Title: Su'aal: Waxaan leeyahay cirro?
Post by: Daada on April 01, 2017, 09:18:07 AM
Hello asc dr salan kadib horta aad ayan idinkaga mhd naqena sida aad no garab heesan hadii aan sii guda galo su'asheyda Dr hal arin ayaa ihesato taso ah waxan leyahay ciro marr badane qoralkada wan aqristay waxyalo badan aad ugu hadashayne ooku sab sanaya cirada wan qatay
Lkin hal shurud ayan kuweydiin lahay dawa madobesada cirada mabadisa hadii aad marsato dhibato meysa ukenta hadey dhibledahayne Malagu darsan kara waxyalakale si'ey kaga difacan kiimikada mida aankushegayo dr waa cilan nurani ee mahan dawa madobesada oo caga kiimikada wadata ee wa cilan nurani oo madobeso kale ah
Maku darsankarta hadii aad marsato dawada ukun ama cilan maka difaci karan kiimikada ama waxi lamid eh oo faido leh kana difaca sida malabka mhdsanid
Title: Re: Su'aal: Waxaan leeyahay cirro?
Post by: SomaliDoc on July 21, 2017, 07:41:52 PM
Haddii daawada aad isticmaalayso ay ku jirto maaddo kiimiko ah way kuu gaysan kartaa dhibaato sida aan horayba uga hadalnay, mana ku xirna qalabka lagu soo shubay, magaca loo bixiyay iyo sawirka dabiiciga u eg ee korka looga soo sawiray qasacadda ay ku jirto, waxaa muhiim ah inaad akhriso waxa ay ka kooban tahay, taasoo ku qasbayso shirkadaha aqoonsiga leh inay qeexaan waxa ay ka samaysan tahay badeecada ay suuq geynayaan.

Marka isku day inaad soo qortid ama soo sawirtid waxyaabaha ay ka kooban tahay waxa aad isticmaali rabtid inta aadan marsan, sababtoo ah dhib hor leh inaad isku geysatid ayaa dhici karta sida in tintu kaa daadato ama allarji aad ka qaadid.

Qofkii aan horay u akhrisan qoraalka cirro caanoodka, halkaan haka akhristo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6426.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6426.0)