Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on July 09, 2015, 12:13:44 PM

Title: Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?
Post by: SomaliDoc on July 09, 2015, 12:13:44 PM
(http://somalidoc.com/Topics/gynecomastia.png)

Waa maxay cillada naaso bararka?
Cilladaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Gynecomastia" oo ah macnaheeda naasaha oo weynaada wiilasha iyo ragga intaba.
Cilladaan waxay ka timaadaa khalal ku dhaca hormoonnada ragga khaas ahaan labada hormoon ee loo kala yaqaanno "Estrogen" iyo "Testosterone".
Naaso bararka wuxuu ku dhici kartaa hal ama labada naas, marmarka qaar way kala weynaan karaan, qofkane wuxuu dareemi karaa daqnasho naasaha ah.
Marmarka qaar waxaa dhici karto in ibta naasaha ay ka yimaadaan dheecaan ama qoyaan yar.

Maxay dhibaato caafimaad ay keeni karaan?
Cilladaan ma ahan mid halis oo qofka caafimaadkiisa dhibaato u geysan karto laakiin waxay qofka u saameyn kartaa nafsiyyan maadaama uusan qofka fikrad ka heysan cilladaan, badanaa dhalinyarada way ka xishoodaan inay qof u sheegaan ama takhtar ay la tashtaan.
Xishoodka siyaadida ah waxay keentaa in qofka uu qarsado uuna iska ilaaliyo inuu dhexgalo bulshada si aan loo fahmin ama la ciyaaro dhalinyarada kale khaas ahaan ciyaaraha jimicsiga, dabaasha IWM.

Badanaa xilliga qaangaarka ayay ku badan tahay wiilasha, wayna iska baaba'daa daawo la'aan laakiin haddii ay sii jirto ama joogto noqoto waa in daawo loo raadsado.
Cillada ugu weyn waxay ka timaadaa markii uu yaraado hormoonka loo yaqaanno "Testosterone" ama uu bato hormoonka "Estrogen".

Waa maxay daawooyinka naasaha barariya?
Waxa ugu badan ee khalkhalka galin karo heerarka hormoonadaa waxaa ugu badan daawooyinka, khaas ahaan kuwaan hoos ku xusan:
1- Daawooyinka loo qaato qanjirka borostaatada, akhriso waxa qanjirka prostate-ka uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html)
2- Daawada kaadida dareerisa ee loo yaqaanno "Spironolactone" oo la siiyo dadka ay caloosha ama jirka kale biyaha ka galaan
3- Daawooyinka loo qaato AIDS-ka
4- Daawooyinka welwelka ama hurdo la'aanta loo qaato sida "Diazepam-ka"
5- Daawooyinka diiqada iyo niyad jabka loo qaato sida "Amitryptaline"
6- Daawooyinka qallajiyayaasha qaar "Antibiotics"
7- Daawada gaaska loo qaato ee magaceeda la yiraahdo "Cimetidine"
8- Daawooyinka kansarka loo qaato "Chemotherapy"
9- Daawooyinka wadnaha loo gaato ee "Digoxin" iyo kuwa dhiig-karka yareeya ee loo yaqaanno "Clacium channel blockers"

Waa maxay xanuunada naasaha barariya?
Xanuunada ay la socon karaan naaso bararka ragga waxaa ka mid ah:
1- Cillad lagu dhasho ee hormoonnada la xiriirto
2- Cayilka iyo duqnimada, ragga da'da ah oo cayilan waa lagu arkaa xaaladdaan.
3- Burooyinka ka soo baxo xiniinyaha ama qanjirrada hormoonnada kontoroola
4- Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html)
5- Howlgabka kilyaha, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html)
6- Howlgabka beerka, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5648.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5648.0.html)
7- Nafaqo-darrada iyo gaajada

Waxaa jiro daawo dhireedyo dhowr ah oo shaah ahaan loo cabo, qaarne shaambooyin iyo saabuunno laga sameeyay oo la arkay in naasaha ay barariyaan sidaa awgeed haddaa rabtid in aad geedo daaweed isticmaasho la tasho takhtarkaaga.

Sidee loo baaraa naaso bararka?
Dhakhtarka wuu ku waraysan doonaa, haddii ay jiraan wax daawo ah aad isticmaashay ama haddii aad xanuuno kale aad qabtid oo keeni kara cilladaan, kadib wuxuu kuu diri doonaa baaritaanno dhiig iyo qalabka computer oo naasaha la saaro, way dhici kartaa in uu takhtarka u baahdo baaritaanno dheeraad ah sida in xaniinyaha la baaro, maskaxda qanjirrada ku jiro la fiiriyo.
Waa muhiim in la kala sooco waxyaabah u ekaan karo bararkaan sida kansarka ku dhaca naasaha, naasaha baruurta leh iyo caabuq barariyay naaska intaba.

Sidee loo daaweeyaa naaso bararka?
Badanaa xaaladaan uma baahna daawo way iska baaba'daa laakiin haddii ay xanuun keento ama bararka uu sii kordhayo ama qofka ay dhibaato muuqaaleed ku hayso waa in laga daaweeyaa iyadoo la siinayo daawooyin loogu tala galay.
Waxaa kaloo muhiim ah in qofka laga daaweeyo xanuuanda kale ee keeni kara cilladaan, lagana fogaado daawooyinka naasaha barariyo.
marmarka qaar daawooyinka waxba ma taraan oo qofka wuxuu u baahan karaa in la qalo oo qanjirrada ama baruurta naasaha ku samaysantay la soo saaro.
Waa muhiim haddii aad xilliga qaangaarka ku jirtid in aad arintaan u fahantid wax si dabiici ku imaan kara, haddii ay dhibaato kaa haysato xagga la dhaqanka bulshada, xilliga iskuulka ama waqtiga ciyaaraha waa in aad la tashataa waalidiintaada iyo macallimiinta.

Haddii aad su'aalo la xiriiro qoraalkaan aad qabtid ku soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?
Post by: Abdihadi on July 13, 2015, 03:23:42 AM
Asc.Dhakhaatiirta marka hore aad baan idiin salamayaa ,Aniga da'dayda waa 24sano waxaan qabaa ciladan ah Naaso bararka 3dii sano udambaysay ayaana isku arkay lakiin caafimaad ahaan wax dhib ah isku ma arkin walina dhibaatana iguma hayso lakiin Ardayda jamacada wada dhigano iyo kuwa Dormitory wada daganahay ayaa igu dacaayadeeya inta badan oo idhaha ninka sidii dumarka Naasaha leh un ,anigana intaas bes baan dhibsadaa markay idhahaan un kaliya. miisaankaygu waa 93kg..inshallah way baabi i doontaa saas baan rajaynayaa

waxaa kaloo jira sanadki jan 2013 ayaa igu dhacday xanuunka  TB da isbitaalka baan tagay waxaana la iiqoray Dawooyinka TB da mudo 9 bilood ah ayaan qaadanayay aad baana ugu bogsaday baritaan baana maray dhakhtarkaygiii baan kulaabtay waad bogsatay buu idhahay ,kadib markaan dawada dhamaysaty aad baan ucayilay oo culayskaygii baa aad ukordhay 30 baa igu darsantay  marka daawinka aan qaadanayay vitimino dhowr ay ayaa ku jiray,kadibna ciladan Naaso bararka ayaan isku arkay
Title: Re: Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?
Post by: SomaliDoc on July 13, 2015, 04:55:23 PM
Miisaanka dhakhsada ku goray ayaa keeni kara naaso bararka, ku dadaal in aad miisaanka dhinto, jimicsi aad samaysid, wax dhib leh ma ahan caadi ayaad ku soo laaban doontaa insha'llah.
Title: Re: Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?
Post by: Jaalle Siyaad on March 11, 2016, 10:22:19 AM
dhakhtar ayan raba in an aado blse ma garanayo dhakhtarka ciladaan ku taqasusay fadlan ii sheeg aniga waxan ku nolahay mogadishu somalia
Title: Re: Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?
Post by: Xalane123 on December 11, 2017, 11:50:07 PM
dr aadbaad umahadsan tihiin waxaan rabaa drka kutaqasuse inaa noosheegto si aan ugu tagno mahadsanid