Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on September 14, 2016, 12:26:51 PM

Title: Baro cudurrada aanan lagu daawayn 'Antibiotics"-ka
Post by: SomaliDoc on September 14, 2016, 12:26:51 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qallajiye.png)

Qallajiyaha "Antibiotics"-ka waa daawo waxtar u leh cudurro badan, laakiin adeegsigeeda ayaa u baahan aqoon iyo taxaddar, qallajiyayaasha qaarkood waxaa leeyihiin waxyeello badan, waxyeellooyinkaas qaarkood daawo ma lahan, waana joogto. haddii aad si xad dhaaf ah u qaadatid ama adigoo u baahnayn aad soo iibsatid ama adigoo cudur kale ku haayo aad qaadatid, waxay kugu noqon kartaa halis caafimaad, sidaas awgeed daawooyinka qallajiyayaasha laguma taliyo in aad iska soo gadatid sida xanuun baab'iyeyaasha oo kale.

Liiskaan hoose waa xanuuno ku dhaca bulshada soomaaliyeed, laakiin nasiib xumo badankood waxay dadwaynaha u qaataan qallajiyayaal ama antibiotic, mana loogu tala galin in loo qaato, qaarkood daawo maba loo qaato, qaarka kalane daawooyin loogu talagalay ayaa jira.

Ka fogow in aad "Antibiotic" u qaadatid cudurradaan iyo xaaladahaan:


Fadlan ogow liiska intaas wuu ka dheer yahay, waxaana jiri kara xanuuno badan oo aan weli xusin.
Ogow qufac kasta, qandho kasta iyo shuban kastaba inaadan u baahanayn qallajiye, balse xanuunada qaarkood, way ka sii daraan markii qallajiyo la qaato.
Fadlan la xiriir dhakhtar si talo kaaga siiyo xanuunkaaga, kana fogow halista daawooyinka iyo ka dukaamaysiga farmashiyaha.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)[/list][/list]