Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wehlie on January 01, 2017, 02:47:43 PM

Title: Su'aal: Xuubka indhaha kora?
Post by: Wehlie on January 01, 2017, 02:47:43 PM
Asc Dhamaan bahda Somali Doctors Forums waan idin salaamay waana idiinkaga mahad celineynaa sida hagar la'aanta ah ee aad umada u gacansiineysaan ilaahey ha idinka abaalmariyo janadiisa.

intaa kadib waxaan rabaa inaan wax idinka weydiiyo indhaheyga waxaan ku arkay wax aad moodo cadiin cad oo ku dherersan isha inta qofka marka la fiiriyo ka muuqato labada dhinac ee madowga dhinacyadiisa ah (Bidix iyo Midig) waaana wax soo kordhaya oo usoo fidaya dhinaca madowga xagiisa waxaana hada ku bilowday madowga wax aad moodo midabkiisa cadaan oo sii koraya isha wax xanuunan iguma hayaan waxaa kaloo isha dhinaceeda sank xagiisa xigta ku yaala hilib xoogaa ah marka sidee looga cirib tiri karaa isha? mise jiraan wax dabiici ah oo isha lagu nadiifinkaro oo waxaas meesha ka saarikara?maxayse igu keeni kartaa? wax dhib ahna maleedahay?maxaase keenay?.

                                                                                     M A H A D S A N I D I I N
Title: Re: Su'aal: Xuubka indhaha kora?
Post by: SomaliDoc on March 28, 2017, 01:09:06 PM
Fadla la xiriir dhakhtar indhaha ku takhassusay si loo arko cillada indhaha kaa haysto, dhowr arrimood ayay noqon kartaa, aragti ayaan lagu fahmaa.