Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxameddeeq on December 08, 2016, 12:42:50 AM

Title: Su'aal: Waxa ihaya mudo sano ku dhaw xanun?
Post by: Maxameddeeq on December 08, 2016, 12:42:50 AM
Waxaa mudo ka badan 25 sano i haya xanuun dhinac,  ka bilawday marki hore lugta meesha ka hoosaysa  Canqawga ee carjawada baa ibarari jirtay markaan kubad ciyaaro ama aan socod dheer galo markaan nasto ama hurdada kaso kaco subaxdi makici jirin ila dhawr bari ama u bararku uu dhiigu dhaqaaqo mudo 15sano, kadib xanunki wuxuu usoo baxay kor ila dhinac dhan hada tabar daran yahay maca ishu tankale waa ka yartahay muruqa dhinaa dhan waa daciif awood maleh.
Title: Re: Su'aal: Waxa ihaya mudo sano ku dhaw xanun?
Post by: SomaliDoc on January 16, 2017, 01:48:52 PM
Way adag tahay in xanuunkaaga lagu ogaado warbixintaas kooba, waxaad u baahan tahay in la ogaado meesha saxda ah ee ku xanuunayso, sababtoo ah anqawga kama hooseyso carjaw, midd kale haddii lugta midd kale ka yaraatay, cilladu waa muruqa ama seedka muruqa, waxayna u badan tahay in neerfaha quudiyo inuu dhib gaaray ama nabar ka soo baxay, fadlan la xiriir dhakhtar aqoon u leh cudurrada guud si laguu wiisiteeyo, laguuna baaro. caafimaad baan kuu rajaynayaa.