Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilias on February 06, 2017, 10:30:15 PM

Title: Su'aal: Cidiyahaygu waa jilcan yihiin?
Post by: Ilias on February 06, 2017, 10:30:15 PM
Asc doctor. Qayr Allah ha Ku siiyo. Waxaan rabay inaad faahfaahin iga siiso cidiyahaygu waa jilcan yihiin markay yara baxaan oo dheradaan waxooga qaybta baxday waan laabi Kara sida loo laabo galaasaha ay Ku soo baxaan yaanyada iyo wixii lamida. Hadii aan dhowr jeer Ku celceliyo laabitaanka wayba jabaan. Xanuuna kama dareemo xitaa markaan dhar dhaqo in cabaar ah wayba iska jabaan ayadoon cidna taaban. Reerkayga dhan cidiyahooda way adagyihiin waa aniga kliya. ciladna maaha oo ilaa aan ka aqliyeestay waa saas wax dhibaato ahna Kuma qabo. Waxaan la yaabay mar marka qaar dadkle cidiyooga  waa adayg aan Cadi ahayn kayga marka loo fiiriyo warqad ayaanba mooda. Marka doc. Arintan faahfaahin iga sii fadlan
Title: Re: Su'aal: Cidiyahaygu waa jilcan yihiin?
Post by: SomaliDoc on May 10, 2017, 08:06:21 PM
(http://somalidoc.com/Topics/ciddikhafiif.png)

Ciddiyaha oo khafiif / jileec noqdo ama jajabo / dildillaaco waxaa loo yaqaanaa "Brittle Nails", waa cillad ku dhacda dadka qaar.

Maxaa keeno ciddiyo jileeca?

Sidee loo daaweeyaa ciddiyaha khafiifaka ah?
Waa muhiim in marka hore la ogaado sababta ka dambaysa in ciddiyahaagu ay sidaa yihiin, waa in aad dhakhtar cudurrada maqaarka la xiriirta, lagaana baaro cilladaha hormoonka la xiriiro khaasatan cudurka thyroid-ka ee aan kor ku xusay, dhiig-yarida, kaalsiyamta iyo fitamiinnada khaasatan D, haddii aad ku nooshahay nulalka qaboobaha ah.

Kadib markii la helo cilladaada, waxaa lagu siin karaa talada ugu habboon.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Cidiyahaygu waa jilcan yihiin?
Post by: Ilias on May 14, 2017, 12:58:56 AM
Mahadsanid doc. Lkn aniga arintyda waa nature waaba Ku dhashay cidayahayga wax nabar ah malaha lkn qaybta markay soo baxdo la jaro ayaa jilcan haday waxooga dherato way la laabi karaa marka arinta maxay Kula tahay.