Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 24, 2016, 04:53:18 PM

Title: Xirashada Keeshaliga Iyo Kansarka Naasaha!
Post by: SomaliDoc on November 24, 2016, 04:53:18 PM
(http://somalidoc.com/Topics/rajabeeto.png)

Bismillah,

Waxaan maanta ka hadlayaa waxa ka jiro qoraallo si joogto ah loogu soo daabaco internet-ka meelo ka mid ah oo lagu sheegayo in xirashada rajabeetada / keeshaliga ama rajastiinada laga qaado xanuunka Kansarka Naasaha.

Qoraallada ka hadlayo inuu xiriir jiro waxay soo xigtaan buug ay qoreen lamaane is qaba, buugaas oo ay ugu magac dareen "Dressed to Kill", waxay lamaanahaas sheegeen inay cilmibaaris muddo ay wadeen ay ku ogaadeen in rajabeetada oo si joogto ah loo xirto inay kansarka naasaha ay keento.

Laakiin cilmibaaristaas waxaa ka soo horjeestay dhowr cilmibaarayaal oo sheegay inaysan sax ahayn, waxayna ku cilladeeyeen dhowr sababood oo aan lagu xusin cilmibaarista taasoo muhiim u ahayd in la gaaro natiijo cadayn karto inuu xiriir noocaas ah uu jiri karo.

Waxaa kaloo jirtay cilmibaaris kale oo iyadane sheegtay in xirashada rajabeetada ay kansarka naasaha u keeni karto haweenka buurbuuran, taasoo iyadane ay ka laabteen markii su'aalo badan oo aysan ka jawaabi karin ay soo baxeen!.

Illaa iyo hadda ma jirto wax caddayn ah oo lagu kalsoonaan karo ama si cad u qeexi karto in rajabeetada / keeshaliga / rajastiinada ay xiriir la leedahay cudurka kansarka naasaha.

Talada SomaliDoc:
Ilaahay ayaa caafimaadka hayo, cudurkane keeno laakiin dadaal ayaa nala faray, dadaalkaasi waxaa ka mid ah in la taxaddaro, lagana fogaado wixii shakki ku jiro ama caafimaadka u darnaan karo.
Rajabeetooyinka haweenka xirtaan way kala noocyo badan yihiin, waxaa habboon in laga fogaado noocyada ay ku jiraan biraha, caagadaha iyo silicone-ka. Kuwa ka samaysan marada iyo suufka waa dharka oo kale, waa la hubaa inaysan dhib keeni karin. Waxaa kaloo muhiim ah in aadan si joogto ah u xiran rajabeetada ama keeshaliga si aadan cadaadis u saarin marinnada qanjirrada naasaha, kadibne aysan kaaga gororin ama caanaha kuugu xirmin.

Akhriso qoraal ku saabsan Kansarka Naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1617.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1617.0)
Akhriso qoraal ku saabsan Burtuqyada Naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2224.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2224.0)
Akhriso qoraal ku saabsan Naasaha Waawayn:http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6602.0
Akhriso qoraal ku saabsan Naasaha Kala Dheer: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3304.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3304.0)
Akhriso qoraal ku saabsan Dildillaaca Ibta Naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1438.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1438.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)