Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed99 on June 19, 2011, 02:53:29 AM

Title: Su'aal: Sidee lagu dheereyn karaa xubin gaaban?
Post by: Ahmed99 on June 19, 2011, 02:53:29 AM
marka hore waxaan addinku salaamayaa salaanta islaamka scww intaa ka bacdi akhiyaara sharfta leh horta alle ayaa mahad iskale leh inoo suura geliyey xidhiidhkeena fiican iyo aqoontaas aad dadka ugu tabarucdeen illaahay haydinka jasaasi siiyo ,,intaas kabacadi waxaan u baahananahay in suaal layga jaahil baxiyo ,,,,
aniga Daddayga waxa weeye hada 39 Sano ayaan jiraa waxaan idin weydiinaa Xubinta Taranka ayaa aad u gaaaban waxa weeye qiyaastii markaanay hamadoon ama jiifto 3 cmt
markay kacdona 6cm ayay gaaraysaa markaa waxan rabaa inay dheeraato haddaan isticmaalo geedahan laxayay siiyo ee lagu xidho ama lagu dheereeyo wax dhibaata ah ma keenaysaa?? haddaan se dhakhtar kala tashado wax may kordhinkaraa,oo cilmikale oo dewa ah majiraan?? akhiyaarta sharfta leh waxaan jeclaan lahaa inaa arinkaa sida ugu fiican iigasoo jawaabtaa hadaaan ceeb addin weydiiyeyna raali aa ahaanaysaab wabillaahi tawafiiq  illaahay ayaa mahad leh
Title: Re: Su'aal: Sidee lagu dheereyn karaa xubin gaaban?
Post by: SomaliDoc on June 20, 2011, 01:40:46 PM
Waxaa jira xayaysiinno iyo emailo tira badan oo lagu sheego in ay jiraan daawooyin, bamaatooyin ama qalab lagu dheereeyo xubinta taranka ragga taasoo dad badani ay ku sirmaan.

Caafimaad ahaan wax cad oo kusaabsan walxahaas loo xayaysiiyo in xubinta ay dheereeyaan ma jiraan, qaab dhismeedka xubintane wax dhici kara maahan.

Waxaa jira kaliya qalliin lagu sameeyo arrintaan taasoo seedaha xubinta ku haayo lafta bisqinleyda la jaro si xubinta horay ay ugu soo baxdo, tanina markay ugu badato waxay kordhisaa kaliya 2 cm, qalliin ahaanne waxaa laga dhaxli karaa dhibaato hor leh oo ay ka mid tahay kacsi la'aan sidaa awgeed wax la adeegsado maahan.

Wixii ka soo haray arintaas wax ka jiraa ma lahan.

Halkaan ka akhriso siyaabaha loo adeegsado in loo dheereeyo guska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5846.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5846.0.html)