Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Laylafuad739 on January 16, 2019, 04:27:04 PM

Title: Su'aal: Cunug sanad kayar caano lo' masiin karaa?
Post by: Laylafuad739 on January 16, 2019, 04:27:04 PM
muhiim miyaa ilmo sanad kayar caano booro lasiiyo
Title: Re: Su'aal: Cunug sanad kayar caano lo' masiin karaa?
Post by: SomaliDoc on August 25, 2019, 01:33:29 PM
Waxay badanaa dhakhaatiirta ku taliyaan in caanaha lo'da lagu bilaabo caruurta markay 12 bilood u dhamaato sababtuna waa 4 arrimood:
1- Caanaha lo'da waxaa ku yar macdanta birta oo muhiim u ah korriimada caruurta, haddii ay waayaanne dhiigyari u keenta.
2- Caanaha lo'da boqolkiiba 7% caruurta waxay ku yihiin Allarji.
3- Caanaha lo'da waxaa ka buuxo borotiin, soodyam iyo bootaasiyam kuwaasoo kilyaha yaryar ee nuunaha aysan xamili karin.
4- Caanaha lo'da oo bilaha hore lagu bilaabo dhallaanka wuxuu boqolkiiba 40% dhaawacaa mindhicirrada "microscopic gastrointestinal bleeding".

Waa muhiim in hooyadu ay nuujisaa cunugeeda, sababtoo ah faa'idooyin badan ayaa ugu jira ee ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0)