Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sulfe on July 16, 2017, 12:26:37 AM

Title: Su'aal: Wareer, indho madoobaad iyo miyir dabool?
Post by: Sulfe on July 16, 2017, 12:26:37 AM
Assalaamu calaykum Dr, waxa jirta cillad aan dhowr jeer isku arkay, Mar aan meel cusbitaala tegey iyo mararkale . markii udameysey wexey ahayd waqti aan fogeyn ayaan meel yara taag ah (dalcad) baaskiil ku yara kaxeeyey, waxan dareemay daal saaid ah, lugaha ayaa tabartii iga tagtay indhuhuna waa imadoobaaden, muddo sikinno ahna miyirka ayaaba iga tegey ilaa aan fariistyna caadi kuma soo noqon. cilladaan waa markii afraad oon isku arko, afarta jeer waxa u dhexdhexaysay muddo dheer. laba jeer oo ka mid ah wexey ahayd anoo booqday cisbitaal, oo mid ka mida sariir ayaa la ijiifiyay ilaa aan caadi noqday sikinno yar gudohood. ilaahay khayr haku siiyee mexey noqon kartaa cilladan? dhakhtar noocee ah baanse utagaa?
Title: Re: Su'aal: Wareer, indho madoobaad iyo miyir dabool?
Post by: SomaliDoc on May 18, 2018, 09:53:09 AM
Waxay u badan tahay in cadaadiska dhiigga uu ku dhacay, haddii ay soo laalaabato arintaan waxaad u baahan baaritaan dhinaca wadnaha iyo xididada qoorta ee maskaxda dhiigga gaarsiiya si looga shakki baxo in cilladi jirto. Fadlan la xiriir dhakhtar.