Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salman Abdiqadir on July 16, 2017, 12:54:05 PM

Title: Su'aal: Waxaan qabaa Sonkor?
Post by: Salman Abdiqadir on July 16, 2017, 12:54:05 PM
waxaan qabaa sonkor
marki la iga baaryna waaba la iga waayay  waxaaana ilaaa hadda qaataaa insilinka
marka ma iska dayn karaaa daawadaas

maxaa keenaya.ilawshaha
daawana maleeyahayn
Title: Re: Su'aal: Waxaan qabaa Sonkor?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2018, 10:03:30 AM
Sokortu maahan cudurrada baxa, way dhici kartaa mararka qaar inay iska dhigto wax baxay ama dagan markuu qofka muddo qaato, laakiin haddii aad joojisid way soo laabanaysaa iyadoo weliba aad u kacsan, waxaana dhici karta inay xubnaha jirka dhaawac kaa gaarsiiso, haddii aysan sokorta dhacaynin, wax dhib ahne aadan dawada ku qabin, waxaan kugula talin lahaa inaad joogtaysid.