Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aadaar on December 27, 2009, 03:09:24 PM

Title: Su'aal: Maxaa sababa qarowga iyo calwasaadka?
Post by: Aadaar on December 27, 2009, 03:09:24 PM
walaal waxaan ini waydiiyay su aal ah maxaa sababa qarowga iyo calwasaadka
Title: Re: Su'aal: Maxaa sababa qarowga iyo calwasaadka?
Post by: SomaliDoc on January 04, 2010, 10:46:31 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qaraw.png)

Qarawgga iyo argagaxa habeenkii (night terrors) waxa uu dhacaa marka qofku si kedis ah u tooso isaga oo qaylinaya, dawakhsan ama fiigsan, Calwasaadku waa markii qofku uu hurdada ku dhex hadlo, waxaana loo yaqaanaa (Somniloquy), markuu qofka hurdada ku dhex socdane waxaa loo yaqaanaa (Somnambulism).

Qarawgu iyo Calwasaadku waa laba arrin oo kala duwan oo si kala duwan loo maareeyo.

Labadaba caruurtu way ku dhacdaa, haddii cunuggaagu uu qabo calwasaad kaliya oo aan la socon wax kale wax dhibaato ah ma lahan wayna ka baaba'aysaa, boqolkiiba 4% ka mid ah caruurta way sii wadaan calwasaadka illaa inta ay ka qaan gaarayaan.
boqolkiiba 50% ka mid ah caruurta oo idil way calwasaadan waqti ka mid ah noloshooda.

Hurdo-Socodka:
Haddii calwasaadku uu leeyahay hurdo socod oo qofka ka soo istaago sariirtiisa waa arrin u baahan in laga taxaddaro maadaama laga yaabo in uu is dhawaaco ama meel ka dhaco sida balkoonada oo kale iyadoo aan laga warqabin.
Hurdo socodku waxaa dhici karto in qofka uu holwo qabsado habeenkii isagoo hurda, waa lagu kala duwan yahay, waxaa dhici karto in qofka uu dhar gashto kadibna uu ka baxo albaabka, markii lagu soo tooso shanqartiisa oo lala hadlane inusuan kuu jawaabin ayaa dhacdo maadaama uu hrudo, markii la toosiyane war uma hayo waxa uu qabanayay iyo meesha uu u socdo, dadka noocan ah waa halis hurdo socodkodoa waana in laga xiraa albaabada.

Dadka badanaa hurdada ku dhex socdo waxay sameeyaan wax ay yaqaanaan sida dhar xirashada, guri ka bixista, timo-shanlaysiga, mararka qaar cunto karinta iyo gaari wadista.

Badanaa qofka ma xasuusto wixii uu sameeyay inta uu hurday, dadka qaarkood oo cilladaan qabo cunto ayay karin karaan, wayna cuni karaan iyagoo aan ka war qabin, waxaana loo yaqaanaa "sleep eating", waxaa kaloo jira qaar samayn karo galmo iyagoo hurda waxaana loo yaqaanaa "sexsomnia", badanaa dadkaan waa lagu soo kacaa iyagoo aan samayn falkii ay ku calwasaadeen, waxaana qaarkood lagu soo eedeeyaa inay kufsi ku dhaqaaqi rabeen, laakiin wax ay ka war hayaan maahan.

Waxyaabaha keeno hurdo socodka waxaa ka mid ah dhafarka, qandhada iyo daalka siyaadada ah. dadka socodka badana sida reer miyiga aad ayay ugu badan tahay hurdo-socodka markii loo fiiriyo reer magaalka, caruurta aadka u firfircoon way ka hurdo socod badan yihiin caruurta dagan.

Waxaa kaloo jiro in hurdo-socodka lala xiriiriyo hidda socodka qoyska, boqolkiiba 45% qofkii hurdo socdo waxaa la ogaaday in labadiisa waalid mid ka mid ah inuu lahaa cilladaas.

Daawooyinka qaarkood waxay sabab u noqdaan hurdo-socodka.

Xaaladaha badankood ee hurdo-socodka wax daawo ah looma isticmaalo, laakiin way jiraan dad u baahdo inay la xiriiraan dhakhaatiir ku takhassustay daaweynta cilladaha hurdada iyagoo adeegsanayo qaabab kala duwan oo hurdo socodka loola tacaalo, waxaa kaloo jiro daawooyin lagu kontaroolo socodka hurdada, laakiin maahan daawo u gaar ah cilladaan oo waxaa loo adeegsadaa xanuuno kale sida qalalka, cudurrada dhimirka IWM.

Hurdo-socodka waxay ka mid tahay cudur daarrada la adeegsado waqtiyada dambi baarista maadaama ay tahay wax aan la xaqiijin karin markii la baaro sida qof dilay qof kale ama shil baabur galay IWM.

Hurdo-Hadalka:
Hadalka calwasaadku wuxuu noqon karaa hadal kooban ama hadal dheer oo laga yaabo qofka dhagaysanayo inuu fahmo ama uusan fahmin labadaba.

Calwasaadku wuxuu ku badanyahay qoysas gooni ah oo waa arrin dhaxalka la xiriirta, wuxuuna ku badanyahay carruurta da'da iskuulka ah.

Hurdo-hadalka wuxuu la xiriiraa nolol maalmeedka maalintaas, khaasatan haddii ay ahayd maalin ka duwan maalmihii caadiga ahaa oo uu qofka daal kala kulmay ama raad ku reebtay maskaxda qofka wixii uu sameeyay, tasaale hadduu qofka la tacaamulay ama la kulmay bulsho aad u badan ama ka qeyb galay meel ay bulsho iskugu timid sida banooni daawashada, xafladaha iyo kulannada iskuulka.

Qofka oo maalintaas u hadlay si ka badan siduu u hadli jiray ama dad badan la sheekeystay ama sida caruurta oo kale maalintaas quraan badan akhriyay, waxaa lagu arkaa in habeenkii ay dadka la kulmo xaaladahaas ay aad u hadlaan.

Akhriso qoraal ku saabsan Hurdada culus: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4151.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4151.0.html)
Akhriso qoraal ku saabsan hurdo la'aanta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2045.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2045.0.html)
Akhriso qoraal ku saabsan dhibaatada dhafarka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6186.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6186.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)