Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on January 04, 2017, 08:54:51 PM

Title: Caabuqyada Naafeeyo Uurjiifka (Muhiim)!!
Post by: SomaliDoc on January 04, 2017, 08:54:51 PM
(http://somalidoc.com/Topics/congenital.png)

Bismillah,

Waxaan kaga hadli doonaa casharkaan cudurro la kala qaado oo haddii ay hooyada uurka leh ku dhacaan u gudbin karto uurjiifkeeda weliba xaaladaha qaar ku reebi karaan iin ama naafoobis.

Badanaa cudurradaan waxaa keena jeermiska fayraska, hooyada markuu ku dhacane wuxuu ka gudbaa mandheerta, kadibne wuxuu saameeyaa uurjiifka.

Badanaa markay xanuunadaan ku dhacaan hooyada uurka leh ma dareento wax wayn oo aan ka ahayn astaamaha hergabka ama ifilada oo kale.

Xanuunada fayraska uu keeno way badan yihiin, laakiin waxaa jira dhowr cudur oo la isku waafaqsan yahay inay halis tahay in hooyada uurka leh ku dhacaan, waana muhiim in laga ilaaliyo sababtoo ah waxay naafeeyaan uurjiifka, waxyaabaha ee keenaan waxaa ka mid ah: qalfoofista maskaxda, korriimo la'aanta maskaxda, maskax biyoolaha, Eernada qooraha, cudurka macaanka, duleelka wadnaha, indho la'aan, dhego la'aan ama naafoobis maskax ama jir ah. waxaana ka mid ah cudurradaas:


Waxaa jira cudurro kale oo ay ka mid yihiin Busbuska / Hablobaasta, cagaarshawga B, HIV-ga iyo caabuqyada ku dhaca marinka dhalmada, kulligood hooyada way u gudbin kartaa uurjiifkeeda, laakiin ma naafeeyaan oo cudurka ayay ku dhashaan oo daawo ayaa lagula tacaalaa.

Waa maxay ahmiyadda cudurradaan?
Way adag tahay in cudurradaan la ogaado waqti hore, mana lahan astaamo u gaar ah oo lagula dardaarmi karo hooyada inay isha ku hayso, sidaa awgeed qaabka kaliya ee lagu ogaado waa labo xaaladood:

Waa muhiim in hooyo walba xilliga uurka ay sameyso daryeelka dhalmada ka horeeya ama waxa loo yaqaano "Perinatal Care" si looga hortago cudurradaan, akhriso qoraal muhiim ah oo mawduucaan khuseeya: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=364.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=364.0)

Akhriso: Waxyaabaha Keeno Dilanka Joogtada Ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0)
Haddii aad su'aalo qabtid ama faahfaahin u baahan tahay, fadlan iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Caabuqyada Naafeeyo Uurjiifka (Muhiim)!!
Post by: Fadumoxasan1 on January 10, 2017, 04:24:25 PM
Mahadsanid Dr uur bn leyhy hargab ba igu dhacay todobadkan gudihisa waxan isku arkay finan yaryar oo calosha dushoda iga so data uurkina inu iyaradan u malaynaya dhakhtarkana waxan balan sanahy bisha dambe marka Dr dhakhtarka balan kale MA LA samaysta oo dagdaga urkayguna WA.7bilod markan qoralkan akhristay Wan walwalay