Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kamaal on December 13, 2017, 08:21:01 AM

Title: Su'aal: Dhiig la,aan jawaab dag dag ah please?
Post by: Kamaal on December 13, 2017, 08:21:01 AM
Asc somalidoc aad baan idin kugu mahacelinaynaa markasta

Suaashayda maanta

Digtoore aad ayaan u walwalsanahay waxaa iso food saartay dhiig la,aan baaxsan sanadkan 2017 bilowgisa dhaqtar ayaan u tagay wuxuu ii sheegay in dhiigaygu aad u yaryahay cabirkisana yahay 10. Wuxuu ii diray qalabka caloosha looga fiiriyo in dhiig ka socdo waxba waa la iga waayey wuxuu ii qoray kaniini maanta oo taarikhda tahay 12/11/2017 waxaa ku noqday dhaqtarkii wuxuu ii sheegay in dhiigaygu marayo 6. Taas oo aad uga niyad jabay wuxuu ii diray qalab scan ah walina ma aadin marka please i caawi
Title: Re: Dhiig la,aan jawaab dag dag ah please
Post by: Akhaa Binu Jowhari on December 13, 2017, 11:54:30 AM
Kamaal, Halkaan ka Akhriso, qoraallo la xariira Dhiig yarada.


waa maxay dhiig yarada (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html)

macadanta xididada (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3041.0.html)

cuntooyinka dhiigga kordhiya (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html)
Haddii aad qabtid wax su'aal ah hakaan hoose
Riix (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Dhiig la,aan jawaab dag dag ah please?
Post by: Kamaal on December 18, 2017, 11:52:06 AM
Asc digtoore wad ku mahadsantahay jawaabta wacan lkn wali walwal ayaa ihaya

Dhaqtarkii wuxuu ii sheegay in buro dhiig siidaynaysa iga taalo mindhicirka yar taas oo sababaysa dhiig la,aanta sidokale waxaa isku arkay black stool digtoore maxaad filaysaa
Title: Re: Su'aal: Dhiig la,aan jawaab dag dag ah please?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on December 19, 2017, 02:07:04 PM
Asc digtoore wad ku mahadsantahay jawaabta wacan lkn wali walwal ayaa ihaya

Dhaqtarkii wuxuu ii sheegay in buro dhiig siidaynaysa iga taalo mindhicirka yar taas oo sababaysa dhiig la,aanta sidokale waxaa isku arkay black stool digtoore maxaad filaysaa

Kamaal, sida aad sheegtay in aad Dhakhtar u tagtay, uunna kuu sheegay in Buro kaaga taalo Mindhicirka, oona jiro (Bleeding inside) sida hadalkaga ku cad.
Tallo:Takhtarkaaga kala tasho nooca qalliinka uu noqon karo iyo dhibaatada uu kuu keeni karo mid walba.

Waxan Alle kaaga Rajeynayaa in aad ka bogsooto insha Alh.