Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Warsan110 on April 04, 2009, 04:37:55 PM

Title: Xanuun Xagga Dhuunta
Post by: Warsan110 on April 04, 2009, 04:37:55 PM
asc waa ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee umada afka soomaaliga ku hadasho aad uga haqab tirteen cabashada xaga caafimaadka ey qabaan iyo talooyinka wanaagsan ee aad siisaan intaas kadib waxaa i haayo xanuun ilaa iyo muddo ma ahan xanuun aan la jiifo laakiin waa mid aan si tartiib tartiib ah ii haayo astaamaha xanuunka hadii aan tilmaamo:
1.qanjirada (Quunka) ayaa bararsan mararka qaarne waa caadi.
2.wax qaraar ah ayaa ii dhadhamaayo
3.qasnaan iyo farxad la'aan
4.madax wareer aan badneyn
 baaritaan waa laygu sameeyay infection ayaa jiro ayaa la yiri kaniinin qalijiya ah 600mg ayaa la soo qoro wax isbadel ahne ma jiraan inshaa alaah waxaan rajeynaa talo bixin wanaagsan
Title: Re: xanuun xagga dhuunta
Post by: Sharbeele on April 04, 2009, 04:57:19 PM
salaan qaaliya ka dib.  Tonsilitis ama (Qumanka)ayaa inta badan sababa Quun-bararka, madax-wareer,  xanuun la dareemo liqitaanka (Dysphegia). waxana inta badan keenta Bekteeriya, waxa saacida qabowga, ama sharaabka qabow oo la badsado, afuufida sida buufin ama waxlamida.

Inta badan qofku wuxu dareemaa, Qandho, tabardarro iyo madax-wareer, haye yeeshee waxuu ku baaba'aa marka la cuno qallajiye iyo xanuun baabaa'iye.

Waxaad yareysaa cabidda biyaha qabow, haddii uu kiniiniga ku tegi waayo xanuunku, waxad ku laabataa dhakhtarka ENT-takhasuska ku leh, si u sameeyo baaritaano kale sida "Masaxaada marina hawada" sidoo kale baaritan ugu sameeyo Jeebabka sanka, dhegaha,Hunguriga iyo iney jiraan infections kale.