Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Qaliinka => Topic started by: SomaliDoc on March 25, 2008, 04:03:41 PM

Title: Dhaawaca Gubashada (Burn Injury)
Post by: SomaliDoc on March 25, 2008, 04:03:41 PM
Maqaarka muxuu ka kooban yahay?
Maqaarku waa Xubinta ugu wayn jirka. Dahaarka ugu korreeya waxaa layiraahdaa epidermis, (waa maqaarka marka Cirbadda lagugu durayo lagu mudo ee ugu sarreeyo jirka) Waa harag qafiif ah.
Qaybta ku xigta waxaa la yiraahdaa dermis, waxaana uu leeyahay xididada dhiigga, dareemayaasha/neerfaha ayaana ku dhamaado, qanjirrada dhididka, dulduleelka timaha jirku kasoo baxaan intaba waa uu leeyahay. Maqaar duleedkani waxaa uu muhiim u yahay bogsashada.
Maqaarka jirka ugu hooseeyo waxaa uu ka koobanyahay baruur iyo muruq.

Waa maxay shaqada maqaarku?
Maqaarku waxaa uu diffaacaa jirka. Maqaarku wuxuu qabtaa shaqooyin badan.

Saameynta gubashada
Dhaawaca gubashadu waxay burburisaa Difaaci ku daboolnaa jirka dhammaan ama Qayb, waxaana laga yaabaa inuu waxyeello U geeysto hawlqabadkii aan kor kusoo sheegnay.
Gubasho weyn oo dhaawac weyn keentaa Waxaa laga yaabaa inay wax kabadesho Habsami u shaqeeynta xubnaha kale ee Jirka. Sababtan awgeed gubasho waxaa Lagu tixgaliyaa gabi’ahaanba jirkoo Dhaawacmay.

Heerka darnaanshaha gabashadu waxaa lagu cabbiraa boqolkiiba inta jirkaaga gubatay, iyo qotodheeraanshaha dhaawaca. Boqolleey waa tiro/cadad inta jirkaaga sare gubatay. Tusaale ahaan, 10% gubashada jirka macnaheedu waa in 10% jirkaagu uu gubtay. Qoto dheeraanshaha waxaa loo tixraacaa inta lakab jirkaagu waxyeelo gaadhay. Waxaa laga yaabaa inay qaadato 24-48 saacadood in gabi
ahaanba go’aan laga gaaro qoto dheeraanshaha gubashada.
Qoto dheeraanshaha iyo boqolkiiba inta maqaarka gubtay waxaa go’aan looga gaaraa si loo daweeyo.

Qotodheeraanta Gubashada

A/Darajada Koobaad ee Gubashada:
Darajada koobaad ee gubashadu waxay ku lug leedahay oo kaliya lakabka sare ee maqaarka ama epidermis loo yaqaan.Waxaa kaloo laga yaabaa in loogu yeero gubashada dusha kore, (superficial burn). Waa ay xanuun badan tahay, guduudan tahay, waxayna yeelataa gidaaro dhuuban oo ay biyo galaan. Iyada ayaa iskeed isaga bogsato 3-7 maalmood, mana aha inay nabaryeelato. Hal tusaale ah Gubashada darajada koobaad waa gubashada qorraxda.
Daawadeedu waa in la nadiifiyaa iyo in lagu dhayo waxyaalaha jirka lagu dhayo sida kareemka IWM iyo daawada xanuun baabi’iyaha ah ee la gato taasoo aan u baahnayn warqad dhaqtar.

B/Darajada Labaad ee Gubashada:
Darajada labaad ee gubashada ama Xoog ugubashada aan dhamaystirnayn wuxuu saameeyaa lakabka ugu sarreeya maqaarka (epidermis) sidoo kale lakabka kuxiga ee kahooseeya ee loo yaqaan (dermal). Gubashada noocaan ahi waa ay xanuun badantahay. Waxay yeelataa kuuskuus waaweeyn oo biyo iyo dheecaan galaan taasoo aad u weynaato habeen qura. Waxaa kaloo laga yaabaa in dhaawucu qoyanaado ama diirka maqaarka ka fiiqmo. Timuhu sidoodi ayey ahaanayaan waxaana laga yaabaa markay bogsato inay nabar noqoto.
Dhaawacani waxaa laga yaabaa inay bogsashadiisu qaadato 2-4 todobaad.
Qaar kamid ahna waxaaba laga yaabaa in maqaar lagu tolo laga soo jaray isla xubin jirkaaga kamid ah si loo dadejiyo inay bogsato iyo inay muuqaal ahaan meeshii dhaawaca gaaray qurxanaato. Daaweynta waxaa kamid ah in lanadiifiyo 1-2 maalintii, in laga jaro diirka ama nudaha dhintay ee boogta ama dhaawaca kasoo laalaado iyo in la sticmaalo oo lagu dhayo kareem intibiyootik ah.

C/Darajada Seddexaad ee Gubashada:
Darajada Seddexaad ee gubashada ama Xoog u gubashada dhan waxay saamaysaa maqaarka sare ee jirka iyo gebi ahaanba lakabyada ka hooseeya.
Waxaana kaloo laga yaabaa inuu waxyeelo gaarsiiyo/ku lugyeesho lakabyada baruurta iyo murqaha. Dhaawaca noocaan ahi badanaa ma
xanuun badno maadaamaa uu dareemayaashi buburiyey.
Dusha sare ee dhaawaca waxaa laga yaabaa inay caddaato, danbas ama cirro u ekaato, ama sida midabka kafeega u ekaato (Brown) markii lataabtana waxaa laga dareemi karaa sidii haraggii oo kale. Nud harageedkan waxaa la yiraahdaa Eschar. Haraggaan gubtay waa in la jaraa laguna badelaa booskiisi nud/maqaar fiyoow iyadoo la adeegsanayo nidaam isla adiga jirkaaga looga soo jarayo nud/maqaar laguna tolayo/tallaalayo meeshii dhaawaca ahayd ee bugtay. Mar kasta nabar muuqda ayey ahaanaysaa kadib markay bogsato, hase ahaatee waxaa laga yabaa nabarkaasi inuu yaraado haddii si badan loo daaweeyo.

Hadafyada Daaweynta Gubashada:

Wixii su'aalo ama faahfaahin dheeraad ah halkaan ayaa ku weydiin kartaa
SomaliDoc