Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wahiib143 on January 01, 2012, 09:09:31 AM
-
ASALAAMU CALAYKUM MAANTA DHAKHAATIIRTA WAXAAN WAYDIINAYAA INAY II SHEEGAAN XANUUNKAN WAXA KEENA .
MUDO IMINKA LAGA JOOGA 3 SANO IYO SADEX BILOOD AYAA LA IGU IDHI WAXAA KU HAYA TAYFOODH (THPOID) KADIBNA WAXA LA IISOO QOREY DAAWO.
LAAKIINSE DAWADII WAXBA WAAN ISKAGA GARAN WAAYEY KADIBNA WAXA LA IGA HELAY TB (TUBERCULOSIS)
KADIBNA WAXA LA II BILAABAY KINIINKII TB DA MARKAAN KINIINKII DHAMEYSTAY EE DHAXAANTANA LA IGA WAAYEY EE LA IGU IDHI NEGATIVE BAAD TAHAY
AL XAMDU LILAAH XAANUUNKII WAAN KA BOGSADAY . HADANA WAXAAN DAREEMAYAY BUR BUR XAGA JIDHKA AH WAXAANA LA IGU IDHI DAAWADIIBAA JIDHKA BURBURINAYSA.
KADIBNA ADIGU XANUUNKU AAD UMA DHIBBADNA OO XANUUN DARAN IGU MA HAYO HADABA XANUUNKA AAN KUU FAAHFAAHIYO SIDUU II HAYO .
WAXAAN DAREEMAA :
* MADAX XANUUN ISKA SAHLAN ILAA IYO MUDADII LA IGU IDHI TAYFHOODH BAA KU HAYA.
* CURUUQDA AMA JIDHKA OO I XANUUNAYA WALIBA MARKAAN YARA SEEXDO WAXAAN SOO KACAYAA JIDHKII OO I BURBURSAN OO GARAAC IGA BAXAYAA KADIBNA WAAN IS YAR
KALABIX BIXIYAA OO WAAN YARA JIMICSADAA KADIBNA WAAN YARA FIICNAADAA
* markaan yaro kululaado jidhka oo aad moodo in dhambiilo dhab la igaga dhajinayo waliba markaan cad ceeda arko iyo olol xaga dhabarka qoorta iyo wajiga .
* hadaan laabta gacanta ku yar cadaadiyo yaduna way i xanuunaysaa .
* MARIGIYO XANUUN MAR MAR AH OO SAHLAN
Waa intaa caalamadahaygu
mudo badan baan kiniino soo cunayey markaan kiniinadaasina iyagu way keeni karaan xanuuno kale oo dhiiga ah iyagana wax ii ga faahfaahiya . aad baad ugu mahadsantihiin caawimada aad caawineysaan walaalihiina ilaahay ha idinka abaal mariyo waxaan idinka rajeynayaa jawaab degdeg ah.
-
Tabardarri, daal, kor-hur iyo jir xanuun waa calaamado la socon karo xanuun walbo, waxay ahaan karaan murqo-xanun noocyadiisa kala duwan ama lafo-xanuun noocyadooda kala duawan sida roomaatisamka, riixa iyo caabuqa lafaha.
Wuxuu noqon karaa cudur ka socdo heerka hormoonada qaar ee jirka sida hormoonka toroodhka oo qofka hadduu ku yaraado calamadahaas uu dareemi karo.
Marka talo ahaan waxaan ku siin lahaa in aad la xiriirtid takhtar si laguugu sameeyo baaritaanno dhowr ah oo lagu ogaanayo cudurrada keeni karo calamahada aad ka cabanaysid ama in lagugu sameeyo wiisito muuqaaleed.
Sidaas ayaa ugu sahlan in lagu ogaado xanuunkaaga.
Midda kale oo muhiimka ah iyadane waa in aad noo sheegtaa kaniiniyada aad muddada dheer cunaysay taasoo laga ogaan karo in ay waxyeelladooda tahay iyo in kale.
Haddii aad baaritaannada soo samaysid ee kala duwan sida aan kugula taliyay markaas waan kuu fasiir karnaa waxay ay sheegayaan iyo sida ay ula xiriiraan xanuunka aad ka cabanayso laakiin waa in aad takhtar u tagtaa marka hore.
SomaliDoca
-
ok