Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaalid Yusuf on January 12, 2015, 07:54:23 PM

Title: Su'aal: Waxaa dareemaa aragga oo iga sii lumaya?
Post by: Khaalid Yusuf on January 12, 2015, 07:54:23 PM
ASC  waan wada salaamayaa dhamaan dhakhaatiirta.
Su,aashaydu waxay tahay  waxan dareemaa araga oo ka sii lumaya indhahayga mid kimida wax xanuun ah ma dareemo  balse waxaan ku arkay marka iftiin aan arko  shucaac falaaro sida qaansa roobad oo kale  ku wareegsan iftiinka hadii aan isku qabto oo takale ku fiiriyo malaha  sida falaarahaa ay bixinayso tan kale dhakhtar somaliya joogay ayan utagay waxan u sheegay in barihore  jug igaga  dhacday  waxuu dhahay waxa jira muraayad la dhaho bikaaciso oo ka dambeeysa isha  taas ayaa dhaawac kaagaaray  inuu kaaba,do waxa aad arkaysaa ee iftiinka la socdaa waa laga yaabaa ama ad sidaas iska ahaato wax baaritaan ah na igu ma sameen waxan imi sweden dhakhtar Ayaan maray baaritaan ah waxay igu dhaheen waxba kuma aragno oo dhib ah markaan u sharaxayna  waxa ku wareegsan isha marka aan iftiin arko waxay dhaheen adi maskaxdaada ayaa saa ku dhahaysa ee waxaba ma qabtid hada aragii waaba siiyaraaday oo isku dhax darsameen  qoraalka iga yara fog, waa hal il wali dhakhtar guud o somali ah oo sweden jooga oo somalya ka shaqeen jiray  mar hore ayan waydiiyey dhibkan waxuu igu dhahay tan waxaa la dhahaa gloucoma da hoosaysa  waxayna ku dambeysaa indha la, aan  waxna lagama qaban karo, markaa dhaqtarka waxan su,aalayaa dhibkaan aan ka soo sheekeyey waa maxay ma gloucoma mise waa wax kale waxse ma laga qaban  karaa?
Title: Re: Su'aal: Waxaa dareemaa aragga oo iga sii lumaya?
Post by: SomaliDoc on January 13, 2015, 01:03:24 PM
Qaabka aad u tilmaantay ee aragga sii daciifaya iyo qaanso roobeex wax u eg aad arkayso iyo in jug horay kuu gaartay waxay u badan tahay "Glukooma" inkastoo haddii aad u tagtay takhtar indho oo aad u sheegtay calaamadahaas la rabay in cadaadiska indhaha lagaa cabbiro, mana aadan noo sheegin in sidaa la sameeyay.

Fadlan halkaan ka akhriso cudurka Glucoma waxa uu yahay iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html)

Halkaane waxaad ka akhrisataa qoraal ku saabsan baaritaannada indhaha lagu sameeyo oo ay ka mid tahay cudurka Glucoma si aad u ogaatid in baaritaankaa lagu marsiiyay iyo in kale: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,973.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,973.0.html)

Taladayda waa in aad takhtar indho "Ophthalmologist" oo private ah u tag, waxa aad ka cabanayso iyo xanuunka aad ka walwalsan tahay intaa oo idil u sheeg, baaritaano ha lagu marsiiyo, kadib wixii ka soo baxo aan aragno.

Haddii aad faahfaahin dheeraad u baahan tahay waad na soo waydiin kartaa, ama waad nala socodsiin kartaa wixii ku soo kordha xanuunkaaga.

caafimaad ayaan kuu rajaynayaa
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)