Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on June 21, 2015, 02:13:01 AM

Title: Su'aal: Balwada iyo xanuunka madaxa?
Post by: Abdi21 on June 21, 2015, 02:13:01 AM
waxan leeyahay balwad marka aan soomo saacadaheenana eey aad u dheer yihiin waxan isku arkaa madax xanuun badan marka aan xogaa hurdo kadib madaxa sidii waa la roon yahay lkn marka aan is dhaho madaxa riix riix waxaan dareemaa xanuun ah in maqaarka kore ee madaxa i xanuunayo sidii qof la dilay oo kale marka aan afuro oo aan balwadii isticmaalana sigaarka waan fcnaadaa ma keeni kartaa cilaadaas balwada mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Balwada iyo xanuunka madaxa?
Post by: SomaliDoc on June 23, 2015, 01:48:29 PM
Sigaarka waxaa ku jirto maaddo loo yaqaanno "Nicotine" waa wax la qabatimo oo jirka hadduu la qabsado uusan ka maarmi karin, waxyaabaha ay keento markii la moogaado ama waqtigaada la dhaafo waxaa ka mid ah madax xanuun, xanaaq, dhidid badan, hilmaanka iyo maqnaanshaha, marmarka qaar jarayn gacmaha ah.

Waxaan kugula talin lahaa in aad sigaarka iska goysid, markaa iska goyneysidne intaa iyo ka badan waad dareemi doontaa laakiin daawooyin lagu yareeyo astaamahaas ayaa jiro inta sigaarka aad ka go'aysid, haddii dhab ay kaa tahay joojinta sigaarka la xiriri takhtar kugu caawiyo arrintaas.

halkaan ka akhriso qoraal aan kaga hadlay, sigaarka iyo dhibaatooyinkiisa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,602.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,602.0.html)