Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on September 02, 2011, 05:53:10 PM

Title: Su'aal: Urinary Tract Infection Xiriir Mala leeyahay Sonkorta?
Post by: Abdirizak on September 02, 2011, 05:53:10 PM
A-s-c.

Waxaan isku arkay xanuun Caabuq ah oo tuubadda kaadi mareenka iga haysta, kaas oo aan dareemaayo inta badan marka aan kaadinaayo oo ay kaadidu xanuun igu hayso, waxaana lakaa shaday arintaas dhakhtar inigoon baaritaan isku samayn wuxuuna ugu yiri waxaad isticmaashaa Antibiyootic kiniini ah, waaana isticmaalay lkn wali wax walba waa halkii ay taagnaayeen, waxaana sii weheliyay oo igu soo biiray kaadida oo aan xoog lahayn,.

3 cisho kahor ayaan sheybaar tagay oo waxaan iska qaaday kaadida bal in infection jiro iyo inkale, jawaabtiina waxayba noqotay waxaan filayn oo shaki ku jiro oo ah inaananba qabin wax Infection ah ee ay jirto waa siday ii sheegeena xoogaa yar oo sonkor ah, taasna waa aamini waayay sababtoo ah maalintaas baaritaanka ka hor ayaanba wax sonkorleh cunay..

                        Maxad talo ah oo aad iigu la talin lahaydeen
1- mawaxaan sameeyaa siduu sheybaarku sheegay oo sonkor ayaan iska baaraa?
2- mise Infection ayaa jiri kara oo waa Urinary Tract Infection UTI AYaan qabaa, oo sheeybaarka ayaa khaldamay?

                                
Title: Re: Su'aal: Urinary Tract Infection Xiriir Mala leeyahay Sonkorta?
Post by: SomaliDoc on September 21, 2011, 03:34:30 PM
Badanaa dadka sonkorta qaba, waxay u nugul yihiin infection soo laalaabta khaas ahaan dhinaca kaadida, sidaa awgeed waxaan kugula talin lahaan in aad kaadida ka baarto caabuq iyo in aad sonkor iska baartid adigoo waxba cunin aroortii.

Markaas waa la ogaan karaa, qasab maahan in aad labada isku qabtid, way dhici kartaa in sonkor kuu wehliso ama in aysanba jirin.

Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo caabuqa kaadi mareenka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html)

Halkaanne ka akhriso qoraal faahfaahsan oo ka sheekeynaya sonkorta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1145.0.html)