Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Libaan on June 22, 2013, 10:06:16 PM

Title: Cukur ama Jalaqley la kabay + faraha hore aan shaqeyneyn
Post by: Libaan on June 22, 2013, 10:06:16 PM
Salaan kadib, maamo eedadey ah baa waxeey ka jabta kacanta hore meesha somalidu u taqaano cukur ama jalaqleey
marka waa la kabay oo weey kabmatay inkastoo uu qalooc ku jiro hada
dhiba weeyn waxaa weeye faraha hore ma shaqeeynayaan

marka mamada waxeey jogtaa somalia
waxaan rabay in aan masar oo aan anigu joogo in aan daawo uga sii qado
marka waxaan idinka codsanayaa hadii eey jirto wax daawo oo loogu talagalay
iyo waxa keenay in eey faraha hore shaqeeyn wayaan

fadlan si deg deg ah iigu soo jawaab
arday baa somalia aadaya oo aan daawda igu sii dhiibi lahaa
mahadsanid
Title: Re: Cukur ama Jalaqley la kabay + faraha hore aan shaqeyneyn
Post by: Libaan on June 26, 2013, 02:31:46 PM
dhaqaatirta jawaab baan idinka sugayaa maxaa idinku dhacay
Title: Re: Cukur ama Jalaqley la kabay + faraha hore aan shaqeyneyn
Post by: SomaliDoc on August 23, 2013, 12:58:50 PM
Walaal liibaan, hadii maamada kabniinka ka qaldamay, faraha waxay la shaqayn la'yihiin waxay noqon kartaain seedaha ay giigsameen ama in neefraha quudiya faraha ay cadaadismeen oo kabka qaldan sidaa keenay, hadii muddo ka soo wareegatay kabniinka, cillada ay neerfo tahay wixii dhaawac gaari lahaa way gaareen, neerfahane ma bogsanayaan.

Haduu kabniinka cusub yahay cilladane ay seedo tahay waa in kabniinka la saxaa, daawo aad u dhiibi karto oo wax ka tarayo oo aan kuu sheegi karo ma jirto.

Takhtar lafaha qalliinkooda ku taqasusay u geey.