Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on July 31, 2017, 08:19:13 PM

Title: Su'aal: Xabadka oo kala weynaado?
Post by: Diihaal Guuto on July 31, 2017, 08:19:13 PM
Asalaamu calaykum bahda somali doc.

Waxaan ahay nin dhilin yaro ah mudo sanad ah ayaan 8 bilood ah ayaan gym dhiganayey oo jirdhia samaynayey.

Waxaa dareemay in murqaha xabadka ay kala waynaanayaan oo midka bidixda uu weyn yahay.
dhinaca midigtu wuu koray oo halkiisii hore maahan lkn kan bidixda isma le'eka.
jirka oo dhan ayaan dhisaa meelkale kuma arag ciladan kala weynaanta ah marka xabadka laga reebo!

Marka idinkoo mahadsan arintaan iga soo jaahil bixiya, ma cilad baa mise waa arin normal ah?
haday cilad tahay ii soo faahfaahiya maxaana u baahanayay inaan sameeyo?

mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Xabadka oo kala weynaado?
Post by: SomaliDoc on May 27, 2018, 12:44:40 PM
Haddii aad isku aragtay arintaan markaad Gym-ka bilawday ka dib oo markii hore xabadkaaga isla ekaa, waxay u badan tahay in murqaha xabadka bidix xiga inay ka hor kobceyn murqaha dhinaca midig, taasina waxaa keeni kara haddii culeys badan aad gacanta bidix ku qaadid waana arrin dabiici ah oo dadka murqaha dhisa isku arkaan.