Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaltuun on April 26, 2016, 06:32:36 PM

Title: Su'aal: Dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer?
Post by: Kaltuun on April 26, 2016, 06:32:36 PM
asc aad baan idiinkaga mahadcelinayaa howsha culus aad dadka soomaaliyeed uhaysaaan somalidoc hadaan ugudbo su aashayda waxeyaan dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer lix casho markuu maqnaado ayuu hada halkiisii kasoo labanayaa mudona wuu ihaynaayaa ilaa toban bari isagoo xinjiro ubadan dhakhtar baan tagay kunbuyutar bay isaartay waxba ma qabtid bay itiri kiniin bay isoo qortay yaryar waan laastay sidaydii baan ahay hadana fadlan jwabtina waa ii muhiim wll
Title: Re: Su'aal: Dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer?
Post by: Kaltuun on May 03, 2016, 04:56:32 PM
asc bahda somalidoc bacda salaan waxaan rabaa idinkoo raaliya inaad iga jaahil saartaan dhiiga caadada oo igusoo laalaabta bishii dhowr jeer waana mudo afar bilood ah intuu qaldanaa ee sanadkan cusub wareegunu waa ixanuunaa dhakhtarad aan utagay way ibaartay dhiig bay iga qaday ay tiri hormoonadaa ku fiirinayaa cumputerna way isaartay waxba ma qabtid bay itiri kiniini yaryar bay isoo qortay oo itiri haduu kugusoo laabto laq bil ka hor yacni haday bil kaa maqnado ha laqin waa igusoo labtay isla ayaaamihii daawadii waa laastay waxna ima tarin hada wali sidii buu iiga soconayaa isagoo xinjiro u badan marmar qaarkood xinjirahaas hadaynan soo bixin xanuun aad udaran ban ka dareemaya gumaarka sidoo kle waxaad umaleeyaa in kaadi badan ihayso hadana markaan musqusha galo kaadidii aan filayey ma iga imanayso
fadlan jawaabtiinu waa iimihiim maxaad igulatalinysaa DR aad baad umahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer?
Post by: SomaliDoc on May 22, 2016, 07:48:29 PM
Baaris guud baad u baahan tahay maxaayeelay sax ma ahan in caadada dhowr jeer bishii kugu dhacdo, mar kastane ay xinjiro wadato.
Waxaa dhici karto inaysan caado wareer kaliya ahayn.
Fadlan dhakhtar fiican la xiriir oo halagugu sameeyo baaritaano isugu jira dhiig, kaadi iyo kumbuyuutar lagu fiiriyo qaska iyo gudaha.
Waa muhiim in baaritaannada dhiigga laga eeg heerarka hormoonada iyo xinjiroobista dhiigga.
Dhakhtarkuna waa inuu ku wiisiteeyaa oo la eegaa haddii ay jirto meel dhiigga beer daraynayso ama nabar ka soo baxay afka minka.