Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dr baddal on March 10, 2011, 11:15:14 AM

Title: Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?
Post by: Dr baddal on March 10, 2011, 11:15:14 AM
asc, dhammaan dhaqaaatiirta somaliyeed, salaan ka dib waad ku mahadsantihiin waqtiga iyo juhdiga aad galisiin webkan ilaheeyna ajir iyo xasanaad tirabadan ha idiinka siiyo, intaa ka dib waxaan qabaa su'aaal ku saabsan xagga indhaha ah oo ah:
walaal seddexdii biloodba ama afartiiba mar ayaa indhaha waxaa iiga soo baxaa nabra yar  yar oo cun cunaya oo markii aad xoqqeesyid aad xoogaa ku yara macaansaneeysid, waxeeey afka ku wataan biyo yar oo cad, waxeeyna ka soo baxaan baalka kore ee isha hoosteeda ah, waxeey u soo baxaan hal hal micnaha ishiiba hal xabba ayaa ak soo baxa isku marna kama soo baxaan oo waaa kala waqti, maalmo ayeey i hayyaan ka dibna intaan xoqqa ayaan bajiyaa, ka dibna weey iska reeysataan, waxeey meeshii eey ka soo baxeen ku reebeen meel yar oo guusan oo aan baabin waligeed ama baa ba'da mararka qaar , marka walaalayaal waxaasi ma cudur baa mise waa wax iska normal ah.
waad mahadsantihiin mar labaad waxaan sugaba waa jawaabtiina.
w.s.c.w.w
Title: Re: Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?
Post by: SomaliDoc on March 11, 2011, 08:49:07 PM
Nabar yar oo ka soo baxo hoosta baalka isha kore ama hoosaba waxaa keena cudur loo yaqaanno "Chalazion".
Chalazion wuxuu ka dhashaa in qanjir ka mid ah qanjirro badan oo lagu magacaabo "Meibomian Glands" una qaabilsan subkinta isha mid ka mid ah inuu xermo markaasne uu sameesmo nabarkaan yar ee soo buuranayo.

Waxay baalka ishiiba ay leedahay 100 qanjir oo noocaan ah oo ishu aysan arki karin, haddii ay xiranto marin ka mid ah mariinnada qanjiradaan ayay xaaladaan soo baxdaa.

Waxaa calaamadaha lagu garto ka mid ah: cuncun iyo ilin badan.

Badanaa wuu iska baaba'aa nabarkaan wax dhib ahne isha kuma reebo, waxaa lagu daaweeyaa in isha lagu hayo wax qandac ah muddo 10 daqiiqo illaa 15 daqiiqo afar jeer maalintii si dareeraha ku xirmay marinkaas uu  u furmo.

Dadka u nugul in ay ku soo laalaabato arintaan waxaa lagula taliyaa in nadaafadda indhahooda ay ku dadaalaan.

Waxaa jirto xaalad kale oo u eg midaan aan ka soo hadalnay kuna dhacdo baalasha isha, laguna magacaabo "Stye" tani waxay ku duwantahay kaliya in ay tahay nabar yar oo gaduudan, xanuun iyo daqnasho wadato.
Waxay u badantahay baalka dhinacyadiisa inkastoo ay ku dhacdo baalka hoostiisa.
Waa infekshan ku dhaca indhaha waxaana keeno bakteeriyo.
"Stye" waxay u baahantahay in lagu daaweeyo antibaayootik maadaama ay tahay caabuq.
Title: Re: Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?
Post by: Dr baddal on March 16, 2011, 10:34:18 AM
Maaasha alaah aad baad u mahadsantahay diktoore ilahaaye miisaankaaka aakhira ha kuu saara, lkn ka warran quf horay u qabay glaucoma hadane ku darsaday nabaradaas wax saaameeyn ah ma yeelan karaan combination-kooda, oo qattar galin kara aragiisa.
jazaakumlaahu kheeyran.
Title: Re: Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?
Post by: SomaliDoc on March 17, 2011, 11:26:04 PM
Wax shaqo ah iskuma lahan isku meelna isha kagama dhacaan.
Waa laba cudur oo kala duwan, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurka Glucoma:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html)