Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmetresta2017 on August 16, 2017, 01:58:58 PM

Title: SU'AAL: WAA MAXAY CUDURKA DYSLEXIA?
Post by: Ahmetresta2017 on August 16, 2017, 01:58:58 PM
ASC waan ini salaamay bahda caafimaadka ee somalidoc aadbaad ugu mahadsantihiin saad dadkiina wax ugu faa iideynaysaan  waxaan doonayey inaan ini waydiiyo waa maxay cudurka afka qalaad lagu dhaho (DYSLEXIA)
*Qofku miyuu ku dhashaa
* Ma dadka yar yar buu u dhacaa
*Wax daawo ah ma leeyahay amase daawo dabiici ah ma lagu dabiibaa
*Arraga wax xiriir mala leeyahay
*Qofku muxuu ku garan karaa inuu cudurka Dyslexia hayo

Matalan waxaa jira dad sida luuqadaha oo kale ay ku adagtahay inay bartaan ama ay Turjumaan
waxa kale aan ka tagaynba adaa ku dari doona  Wabilaahi towfiiq
Title: Re: SU'AAL: WAA MAXAY CUDURKA DYSLEXIA?
Post by: SomaliDoc on June 26, 2018, 10:37:28 AM
Dyslexia waa cillad dhinaca waxbarashada ah taasoo akhrisku dhib ku yahay qofka, waa cillad lagu arko caruurta, kuma xirno aragga iyo caqliga, calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah hadalka oo soo daaho, barashada erayada cusub iyo wax akhrinta oo aad u hooseyso.

Caruurta badanaa qabo cillada "Dyslexia" wa ku guuleystaan waxbarashada haddii ay helaan tababar iyo waxbarasho u khaas ah, sababtoo ah qaabka wax loo baro caruurta nuucaan ah waa in iyaga loo khaas yeelo "indivudualized speech therapy", waana in ardaygu helaa khabiir dhinaca luqadda ah "speech therapist".

Caruur badan oo cilladaan qabay laakiin ka koray oo jaamcado ka baxay oo dunida caan ka ah ayaa jira, markay waalidku waa inuu fahmaa wax akhrin la'aanta dyslexia shaqo kuma lahan maskaxda, caqliga iyo fahan yari toona.

Midda kale ma jiro baaritaan shaybaar ama sawir lagu ogaado cilladaan, waalidka hadduu caruurtisia wax la akhriyo wuu fahmi karaa, haddii kale iskuulka macallimiinta ayaa fahmi kara.

Waxaa jira film hindi ah oo aad u cajiib ah laguna magacaano "Taare Zameen Par", wuxuu ku saabsan yahay sida caruurta qabo "dyslexia" loo baro wax akhrinta iyo dhibka ay waalidiinta iyo macallimiinta kala kulmaan haddii aysan ku baraarugsanayn cillada cunugooda hayso. Fadlan Film-kaas daawo si aad wax uga ogaatid cilladaan "Dyslexia", wax badan baad ka faa'idaysan doontaa insha'llah.