Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ladan ahmed on August 11, 2017, 08:20:24 AM

Title: Su'aal: Cuncunka xubinta taranka?
Post by: Ladan ahmed on August 11, 2017, 08:20:24 AM
Asc docter waad ku mahad santihin sida aad nogu dadalaysan., intaa ka dib suashyadu waxay tahay, (waxa aan leyahay cuncun aha xaga xubinta taranka marka qaar intaa boowad yaha iyo ita uu dhow waxa iga so baxa finan sido kale na cadadaydu sax maaha marna dhiigu waa joogsan waaya marna maba imaado hadu imadana ma badna waxa kalo jirta xaga gudaha hore aan arkay ina aan ku leyahay waxa buro oo kale aad modid balse biyo aha oo hadi aad ganta ku xejisid bururaaya, marka docter maxa xanunka lagu tilmaami kara ani waan cabsanaya waxa aan ka baqaya cancel illahay igu maba keene
Title: Re: Su'aal: Cuncunka xubinta taranka?
Post by: SomaliDoc on June 09, 2018, 07:44:04 PM
Astaamaha aad dareemaysid waxay tilmaan u yihiin caabuq xubnaha taranka ku dhaca, waxa kuuskuusan ee gudaha aad ka dareemaysid markaad gacanta ku burburisidne qoyaan isku badalayaan waxaa la dhahaa "Cervical Polyp" oo ah fiixiyo ku samaysma luqunta minka.

Waxaan kugula talin lahaa inaad dhakhtarad haweenka ku takhasustay u tagtid si laguu wiisiteeyo, baaritaano iyo dheecaano xaga hoose lagaaga qaado si loo xaqiijiyo cillada ku haysato.