Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Janaale on August 11, 2017, 10:29:04 AM

Title: Su'aal: Waxaa layga qabtaa qeybta hoose ee mindhicirrada?
Post by: Janaale on August 11, 2017, 10:29:04 AM
Salaan kadib, Dre suaasheydu wxaa weeye ,  wxaa layga qabtaaa qaybta hoose eee mindhicirada ayadoo aad moodid mar marka qaar in wx i mudmudayaan ama sida in bahal ku jiro oo kale oo hadba dhinac xiidmaha qaybta hoose aan ka dareemayo,  sidoo kale wxaan leeyahy constipation mar marna calool istaag daran. Cunada markan cuno waliba wxyaalaha suugada leh wxan daremaa hur iyo kulayl. Xitaa digirta ma cuni karo.
Anigu gaas baan islaha wa qabtaa dhakhtar somalia jooga aan mar u tagay wuxu igu yiri cudurkaan wxaa la dhahaaa IBS( irretable Bowel syndrome).
Dre wxaan kaloo kaa ilaaway wxaan kaloo leyahy neef badan macanaha markaan suuliga galo aaryo badan ba iga baxda.
   Dre khyr Allah ha ku siiyo sida aad markasta noogu faaidaysid miisaanka aakhiro Allah ha kugu kordhiyo 1. marka wxa i haya ma IBS baa mise waa Gaaas. Muxuse yahay IBS ku?
  2.   Liiin dhaanta subixii ma cabi karaaa hadaan biyo kulul ku darsado.
Jazaakalaaah.
 
Title: Re: Su'aal: Waxaa layga qabtaa qeybta hoose ee mindhicirrada?
Post by: SomaliDoc on June 09, 2018, 07:48:38 PM
Xanuunka gaaska iyo mindhicirrada kacsan waa laba cudur oo isku astaan dhaw, waxaana lagu kala gartaa waraysi qoto dheer oo qofka lala yeesho sidaa darteed waxaan kugula talin lahaa inaad labadaan qoraal akhrisatid si aad u kala ogaatid farqiga u dhaxeeyo astaamaha labadaan cudur:

1- Cudurka gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0)
2- Xanuunka mindhicirrada kacsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3417.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3417.0)