Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on October 06, 2009, 09:12:17 AM

Title: Su'aal: kiniinka Artane ku saabsan?
Post by: Barkhat on October 06, 2009, 09:12:17 AM
asc bacda salaan waxa la ii qoay laba dawo intaan xanuunsaday waxayna kala ahaayeen haloperidol iyo amitriptyline waxana la ii raaciyay artane waxana u isticmaali jiray sidatan
haloperidol xabad habeenkii ah   1*1
amitriptyline xabad habeenkii ah 1*1
artane        xabad habeenkii ah 1*1
ka bacdi waxba waan iskaga garan waayay ka bacdina waxaan ku darsaday laba xabo oo artane ah
oo aan galabtii liqo waxa igu kaliifayna waa sidatan
markaan labada midh is raaciyo waxaan dareemayaa farxad iyo murugadii oo iga tagta,
markaa waxaad ii sheegtaan miyuu artane-kaasi waxyeelo u keenayaa naftayda iyo waxtarka dawada kale ee la ii qoray runtiina kama maarmi karo oo waxaan ka dhigtaa kaalmaati, mahadsanidiin. wsc
Title: Re: Su'aal: kiniinka Artane ku saabsan?
Post by: SomaliDoc on October 06, 2009, 11:28:15 PM
Daawada Artane (trihexyphenidyl) waxaa loo isticmaalaa cudurka Parkinson, laakiin waxaa adiga laguugu qoray ayaan u maleynayaa in uu dhimo dhibaatada ka dhalanaysa daawada Haloperidol-ka, dhibaatooyinkaas oo ka mid ah, murqo xanuun, muqo adeeg, caajis, welwel iyo tabardarri.

Waxaa habboon in aad hubiso daawada haloperidol-ka qiyaasteeda inta aad siyaadin laheed daawadaan Artane.

Midda kale daawadaan haddii aad iska badiso waxay leedahay dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay qallal iyo miir daboolmid.


Talo: daawo dhakhtar uu kuu soo qoray wax haka badalin.

SomaliDoc