Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muqtaat2 on December 22, 2017, 11:15:30 AM

Title: Su'aal: Hal lug oo gaaban oona qaliiran?
Post by: Muqtaat2 on December 22, 2017, 11:15:30 AM
Asc doctor marka  hore  waan Ku salamey marks kale waxaa jirta in lugahayga midkamid ahi ayka gaabantahay tankale walibana ayka qaliirantahay hadda waxaan jiraa 17 anigoo Yar ayay sidaan noqotay dakhaatirta qaar ayaa igu dhahay waa ( leg length asymmetry) marks doctor mxaad igula talin lahay
Waad mahadsantahay
Title: Re: Su'aal: Hal lug oo gaaban oona qaliiran?
Post by: SomaliDoc on January 14, 2019, 10:24:11 PM
Hal lug oo ku caatowdo ama ku yaraato waxaa badanaa keeno cillad neerfaha lugta gaartay taasoo muruqa korriimada ka hor istaagtay ama shuuqisay, waxayna imaan kartaa markii neerfaha sinta dhex maro ee "Scitica" loo yaqaano uu dhaawac gaaro sida markii cirbadda sinta laga qaadanayo oo kale.

Sidoo kale hadduu sinta madaxeeda dhaawaca kaa gaaro, waxay keeni kartaa inay lugta ka gaabato tan kale, ay ka yar yaraato.