Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mdeeq on August 24, 2016, 01:39:57 AM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkaa FEEL ROR?
Post by: Mdeeq on August 24, 2016, 01:39:57 AM
Marka hore asc salan kadib, marka xika ajar iyo xasanaat allah hadinka siiyo sida aad isu garab  istagten bolshada somaliyed ee in mudaa kujiray dhibaatuyika kala duwan intaas kadib, waxaan isku arkaa FEEL ROR sede lodawen karaa
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkaa FEEL ROR?
Post by: SomaliDoc on October 14, 2016, 07:16:32 PM
Feel-roorka waa cillad ka timaado muruqa kubka oo kogo ama rooro, waa arrin ku badan orodada iyo ciyaartoyda, cillada badanaa waxay ka dhalataa khalkhal ka yimaado macdanta iyo dheecaannada maamulo shaqada muruqa, murqaha yaryar badanaa lagama dareemo laakiin murqaha waawayn sida muruqa kubka oo u baahan oksajiin badan inuu helo.

Haddii cilladaan ay joogto kugu noqto, fadlan jimicsigaaga xad u yeel, jooji haddii aad qaadatid daawooyin lagu yiri murqaha ayaa lagu xoojiyaa ama lagu weyneeyaa.

Haddii aadan ahayn orodo ama ciyartoy toona, waxay noqon kartaa cillad neerfaha la xiriirta ee dhakhtar la xiriir.