Somali Medical Forums

Health Related Forums => Topics in Healthcare => Topic started by: Dr.Adnan on November 22, 2010, 08:36:47 PM

Title: Sigaarka iyo Naasiyiinta : Nazis and Smoking....
Post by: Dr.Adnan on November 22, 2010, 08:36:47 PM
Dhawaanahan Ayaa waxa aad ii soo jiidatay inaan indha-indheeyo borobagaanadadii Naasiyiintu ku kasbadeen shacabkooda, intii aan dhex mushaaxayay qoraalo arrintaa la xidhiidha ayaa waxa i soo jiitay qaabka ay naasiyiintu uga hortageen sigaar qiijinta.

Qiijinta Sigaarku waxa ay ka mid tahay aafooyinka ku dhafan casrigan aynu noolnahay, hadii aan lagu tilmaami karinba aafada ama muusibada ugu wayn dhinaca caafimaadka ee Qarnigan 21aad.


Taariikh

Qiijinta Sigaarka ayaa asal ahaan waxa dhaqan ay u ahayd dadkii ku dhaqnaa qaaradaha Ameerika loona yaqaanay Hindida Cascas (Red Indians), caadadan oo dunida kale ku faaftay qarnigii 15aad kadib markii ay Sahmiyayaashii reer yurub cagaha dhigeen dunidaasi cusub (New World), xidhiidh ganacsina ay la yeesheen dadkii meeshaas isirka ku ahaa.


Hogaamiyihii Naasiyiinta adloof hitlar (Adolf Hitler) ayaa ku tilmaamay sigaarka “Aargoosigii ninka Cas, ‘The wrath of Red man to the White man’”. In kasta oo Hitlar yaraantiisii uu Qiijinayay sigaarka, laakiin laga bilaabo ammintii uu qaatay fikirkii Naasiga ah , afka wuu ka qaaday, isaga oo u arkayay in sigaarku uu yahay dhabarjabin iyo waliba aargoosi loogu talagalay dhibaataynta Cirqiga Aryans-ka, iyo waliba iyada oo uu lahaa Aryans-ku waa ka sareeyaan inay qiijiyaan sigaarka!!. Sidoo kale fikirkaas waxa Hitlar la qabay saaxiibadiisii Beniito musaliini iyo Faransiis Faranko.


Taariikhyahanada ayaa ku sheega in naasiyiintu ay dhidibada u taageen ololihii ugu balaadhnaa abid ee lagaga hortago qiijinta sigaarka iyo waxyaalaha la hal maala, ilaa haatana ma jiro nidaam ama xukuumad sidaas oo kale uga hor istaagtay shacabkeeda. Waxa iyaduna Xusid mudan in Dhakhtarada jarmalku ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee ka hadla xidhiidhka ka dhexeeya Sigaarka iyo Kansarka Sambabka. Cilmi baadhistan ayaa socotay 1926-1940.

(http://4.bp.blogspot.com/_UyZxV4vIoJc/TOqpHNRL66I/AAAAAAAAAEg/xYCT-v_LgzE/s200/German_anti-smoking_ad.jpeg)
Waa Boostar ay ku qorantahay "Tubaakadu iyadaa ku Qiijisee adigu ma Qiijisid"

Nasiib daro, Naasiyiintii kumay guulaysaan inay hantaan shacabkoodii oo ay si buuxda uga hor istaagaan sigaarka, iskaba dhaafe waxa la sheegaa in tobankii sanno ee ugu horaysay maamulka naasiyiinta in Sigaar cabista kor u kacday lix laab inteedii hore. Sidaa aawadeed 1939kii ayaa xukuumadii ay rogtay amaradan kala horeeyaane.

Bilawgii waxa laga mamnuucay dhamaan in lagu qiijiyo Meelaha ay iskugu yimaadaan dadku ama baraha caamka ah sida Maqaaxiyaha, basaska iyo waliba jidadka. Intaa dabadeed waxa laga mamnuucay dhamaan ciidamada hubka sida, kadibna dhamaan shaqaalaha dawlada. Intaas waxa ka horaysay in la mamnuucay dhamaan xayaysiisyadii dadka loogu wanaajin jiray tubaakada ee shirkaduhu samayn jireen.

Talaabooyinkan ayaa noqday qaar suurto galiyay in hoos loogu dhigo xadigii sigaar qiijinta ee dalkaasi.


Hadaba Akhriste, Fikirka Naasiga oo ahaa fakir ku dhisan haybsooc iyo cunsuriyad ayaa si uu dadkii markaasi ay lahaayeen aduunka kale waa ka sareeyaan isku dayay inuu ka badbaadiyo aafadan.

Halkaas waxa laga dheegan karaa in Sigaar qiijinta qof kasta oo wanaag la jecel naftiisu aanu isu quudhayn ,qof kale oo wanaag uu la jecelyahana aanu u quudhayn.

Ha galaafan naftaada , Ka tag Tubaakada….