Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salmnyare on February 18, 2016, 11:46:22 PM
-
asc wan salamaya dhaman bahda dhakahtiirta sharafta leh Illaahayna ha idinka jazaai siiyo howshan fican ee ad kaga baahitirteen dadka somaliyeed intaa kadib.
waxan sameya jimicsi marka waxan waydiinaya dhakhaatiirta imisa jeer aya ugu fiican inan galo gymka todobaadkii
maalintise ma hal galin aya fican mise labada galinba.
cuntooyinka ugu fican ee ka qayb qaadan kara inan jidh ahan dhismo ano jimcsiga wada mxa ka mida.
thank you allah ha idin barakeeyo dhaman dhakhaatiirta sharafta leh.
-
Waxaa muhiim ah in la ogaado jimicsiga aad samaynayso nooca uu yahay iyo mudada aad samaynayso ee kuma xirna Gym galintaanka.
Waxaa intaa sii dheer in awoodaada iyo caafimaadkaaga waa inay isku dheelli tiran yihiin iyo jimicsigaaga, sidaas awgeed ma jirto wax la isku ogyahay oo qof kastaa lagu dabaqi karo.
Dadka way kala duwan yihiin, awoodooda iyo baahidooda jimicsina way kala duwan tahay.
Cunnooyinka fiican in aad ku dadaasho waa walxaha protein-ka leh sida caanaha, hilibka, beerka, kalluunka, digaaga, miraha sida digirta, masagada iyo khudaarta cagaaran oo idil.